DAAWO: Madaxtooyada Somalia oo lagu xiray qalab aan dalka horay loogu arag!

0

(Muqdisho) 11 Juun 2018 – Aqalka Soomaaliya ee ku caanka ah Villa Somalia oo ah halka looga arrimiyo dalka Soomaaliya ayaa beryihii dambe waxaa ku socdey isbedello dhinacyo badan taabanayay oo la xiriira sare u qaadista xajmiga amaan ee xaruntaasi.

Waxyaabaha haatan soo kordhay waxaa ka mid ah qalab casri ah oo ah midka lagu hubiyo biraha halista ah, hubka, bambooyinka iwm oo lagu xirayo albaabka hore ee madaxtooyada.

Waxaa qalabkan casriga ah oo koontarool dhexe laga xukumayo uu bedeli doonaa isbaaradii gacanta lagu qaadi jirey, iyadoo uu qalabkani isku wada qabanayo shaqadii hubinta amaanka iyo qaadista xayndaabka jidka la dhigay, waxaana dhulka kasoo baxaya bir markii loo baahdo hoos loogu celinayo dhulka si ay u gudbaan gawaarida la fasaxay.

Waxaa kale oo lasoo kordhiyay koontarool danabeed ay dhexmarayaan dadka gudaha loo fasaxayo iyo baakinno ay gawaarida dhigtaan. Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media