Qeybta warfaafinta Maaxtooyadda Soomaaliya oo sameysay tallaabo kudayasho mudan.

0

(Muqdisho) 11 Juun 2018 – Xaafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sameeyey tallaabo ku dayasho mudan kadib markii ay deeq lacageed guddoonsiiyeen qaar ka mid ah carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen Suxufiyiintii Soomaaliyeed ee qaar kood lagu dilay Magaaladda Muqdisho. Waxaa lacagahaasi loogu talagalay in carruurta agoonta ahi ku ciidaan.

Mashruucaan oo ah midkii ugu horeeyey ee laga soo abaabulo Villa-Somalia ayaa aad loo soo dhaweeyey waxaana lagu taakuleeyey carruur ku dhaw 100 iyo qoysaskooda ay ka baxeen wariyeyaashii Soomaaliyeed ee la laayey  ama Amar Alle u dhintay tan iyo sanadkii 2017.

Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black oo ah Madaxa Xiriirka Warbaahinta Madaxabanaan ee Madaxtooyadda ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in dhibta iyo xanuunka lala wadaago carruurta agoonta ah.

Waxa uu sheegay inay sii wadayaan tallaabooyinka nuucaan ah waxaana xafladdii deeqdaan lagu guddoosiinayey carruurta agoonta ka qeybgalay qaar ka mid ah warbaahinta madaxabanaan ee maxaliga ah.

Hadalsame Media