LA YAAB: Benjamin Netanyahu oo si jees jees ah u sheegay inuu Iiraaniyiinta barayo maaraynta biyaha (Daawo)

0

(Tel Aviv) 10 Juun 2018 – Wasiirka Koowaad ee Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa si jees jees ah u sheegay inuu shacabka reer Iiraan ka caawinayo qaabka loola tacaalo biyo la’aanta, isagoo abuuray website ku hadla afka Faarisiga si loogu faafiyo cilmiga ay arrintaa u leedahay Tel Aviv sida uu yiri.

Muuqaal uu soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Youtube, wuxuu Netanyahu sharraxay inay Israel aasaastay web gaar ah oo ku hadlaya luuqadda maxalliga ah ee Faarisiga si buu yiri ay Iiraaniyiintu uga bartaan ”maareeynta biyaha”, kaydinta biyaha iyo arrimo kale sida hannaanka waraabka casriga ah.

RW Israel ayaa ku faanay inuu dalkiisu dhaqan geliyay “tiknolojiyad casri ah” isagoo sheegay in ay “dib u isticmaalaan 90% biyaha mustacmilka ah.” Netanyahu oo lagu yaqaanno faanka iyo jilliinka ayaa qabsaday koob biyo ah kaddibna qurquriyay si uu u muujiyo inuu dalkiisu biyaha hodan ka yahay.

Hadalsame Media