WAR CUSUB: Man City oo €100m ku baadi goobaysa Douglas Costa

0

(Manchester) 10 Juun 2018 – Manchester City ayaa €100m oo euro Juventus u joogta Douglas Costa, iyadoo sida uu dhigayo Sport Mediaset, Pep Guardiola uu aad u doonayo inuu safkiisa kusoo biiriyo barbaarka reer Brazil ka gadaal markii ay Manchester United ku fashilantay inay qaadato.

Juve ayaa kaliya maalin dhowayd si buuxda ula wareegtey adeegga laacibkan oo ay Bayern Munich ka siisatay €40m oo euro, iyadoo sanadkii tegey €6m ka bixisay amaah ay 2 sano ahayd. Haatan wuxuu qandaraas kula jiraa Bianconeri tan iyo Juun 2022.

Haddii ay Manchester City bixiso €100m, Juve waxay lacagtaa u adeegsan kartaa inay kusoo qaadato laacibka khadka dhexe ee SS Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic – laacib kale oo ay doonayso Manchester United.

Costa ayaa sanad bilowgiisii Talyaaniga horyaalka Talyaaniga ka dhaliyay 6 gool, halka uu dhigay 14 gool.

 

Hadalsame Media