Dowladda Talyaaniga oo dekedeheeda u diiddey 600 tahriibayaal ah & magaalooyinka qaar oo amarkaa ku gacan sayray!

0

(Roma) 10 Juun 2018 – Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Salvini oo in ka badan 600 oo muhaajiriin ah u diiday inay ka soo dagaan dekadaha Talyaaniga. Maamulada magaalooyinka Napoli iyo Palermo oo dekadahooda u furay in laga soo dejiyo muhaajiriinta.

Luigi De Magistris iyo Leoluca Orlando oo ah duqoowda magaalooyinka Napoli iyo Palermo ayaa sheegay in ay dekedohoodu furan yihiin, sidoo kale duqa magaalada Messina ayaa yiri: “Markabku halkan ayuu imanayaa.

Falcomatà oo u hadlay Reggio Calabria ayaa yiri: “Diyaar baan nahay sidii caadiga ahaydba”. Isagoo raaciyay: ”Haddii ay dhibaato aadminnimo dhacdo waxaa la waydiinayaa Conte. Tan kale wasiirka arrimaha guduhu wuxuu dalka dib ugu celinayaa waayihii ayeeydii“.

Markabka Aquarius oo sita calanka gasiiradda Britain maamusho ee Gibraltar ayaa sida 629 qof oo ay ka mid yihiin 123 dhallinyaro da’yar ah oo aanayn cidina wehlinin, waxayna kasoo shiraacdeen Woqooyiga Afrika, dowladda dhexe ee Talyaaniga ayaana markii ugu horreeysey u diiddey inay kusoo xirtaan dekedohooda.

UNHCR ayaa dhinacyada ay khuseeyso ugu baaqday inay xal deg deg ah hindisaan.

 

Hadalsame Media