IS DUR: Mohamed Salah oo markii ugu horreeysey ka jawaabey war ”lagu qoslo” oo uu ka sheegay Ramos!!

0

(Madrid) 09 Juun 2018 – Arbaha Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka sheekeeyay dhaawaca niyadeed ee uu u gaystay dhaawacii uu sababta u ahaa Ramos, isagoo weliba ka xumaaday hadal uu ku sheegay inuu Salah sii ciyaari karey haddii cirbad la duri lahaa.

Ramos ayaa mar uu arrintan dhaawaca oo aad usoo jiidatey indhaha daawatada caalamka ka hadlayay sheegay in Salah uu sii ciyaari kari lahaa haddii lagu duri lahaa cirbad xanuun disho ah – taasoo ah war uu wax lagu qoslo kasoo qaaday laacibka reer Masar.

Wuxuu ku yiri Marca: “[Inta qoslay] Waxaan leeyahay waa fiican tahay marka uu qofkii kaa ooysiiyay bilowgii uu marka dambena kaa qosliyo. Laga yaabee inuu sidoo kale ii sheegi karo inaan diyaar u ahay Koobka Adduunka?”

Mar la waydiiyay doodda Ramos ee ah inuu isagu markii hore ku dhegey gacanta dambeedka kooxda Real, ee aysan sida kale ahayn wuxuu Salah ku daray: “Waa wax maad leh (funny)…

“Wuxuu iisoo diray farriin, balse marna umaan sheegin in waxa uu sameeyay ay sax ahayd.” ayuu yiri Salah oo uu xulkiisa Masar uu ciyaar bilowgooda KA2018 ku wajahayo Uruguay oo ay ku wada jiraan Guruub A.

Hadalsame Media