IMF & Baanka Adduunka oo ku qancay hannaanka dhaqaale ee Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 09 Juun 2018 – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxa uu sheegay Bankiga dhexe iyo hay’adda lacagta Aduunka inay ku qanceen hufnaanta nidaamka maaliyadda dalka, ayna ka gudbeen wajiga labaad ee habka deen cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in iminka laguda galay wajigii ugu dambeeyay ee deen cafinta oo ay horyaalaan shuruudo hor leh.

“Laba Arrimood ayaa noo suura galay, waa tan koowaadee waxaan soo gaba gabeynay wajigii labaad oo warqadina ay kasoo baxday la leeyahay Soomaalidu wey kasoo baxeen, waxaa taasi noogu xigay in uu inoo bilowday wajigii sadexaad oo aan fileyno inuu yahay kii ugu dambeeyey oo hadii aan ka gudubno aan kamid noqoneyno aduunyada kale.

Shuruudaha ugu adag ee ugu waaweynaa waxa weeyaan inaan kordhino dakhliga wadankeena Gudihiisa kasoo xarooda .

Shantii kun ee ugu horeysay ee ciidankeena kamid ah ayaan Akoono u sameynay inta kalena wey ku xigeysaa, qof waliba oo ciidan ah iyo qof waliba oo shaqaale ah iyo cid waliba oo dowladda wax ka qaadataa waa iney farihiisa meel yaalaan Akoonkiisa wax lagu shubaa arin badan bey xalineysaa taasi “.

Dabaraani Media INC

Hadalsame Media