Lionel Messi oo ka war haya in Cristiano Ronaldo uu ka tagi doono xagaagan Real Madrid & Kooxda uu ku biiri doono!

0

(Barcelona) 09 Juun 2018 – Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka war qaba in xiddiga ay xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo uu suuqa kala iibsiga xiddigaha xagaaga ka tagi doono kooxdiisa Real Madrid, isla markaana waxa uu ogyahay kooxda uu ku biiri doono.

Sida uu warinayo Warsidaha Don Balon ee laga leeyahay dalka Spain, Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Messi ayaa ka war haya in Ronaldo ay ka go’an tahay inuu ka tago Real Madrid kaddib dhowr sanadood oo ay ku tartamayeen horyaalka La Liga iyo abaal-marinnada shaqsiga ah.

Warbixinta waxaa kale oo lagu sheegay in Messi uu ogyahay in CR7 uu dib ugu laaban doono kooxdiisii hore ee Manchester United oo dhankeeda si weyn u doonaysa inay kabtanka xulka qaranka Portugal dib ugu soo celiso garoonka Old Trafford.

Sida Don Balon ay warbixinta ku dartay shirkadda Chevrolet ee ay kooxda Man United xayeysiinta u sameyso ayaa ka shaqeynaysa sidii Cristiano Ronaldo uu markale u xiran lahaa Maaliyadda kooxdiisii hore ee Man Utd.

Sheeko kale oo arrintaas la xiriirta ayaana sheegaysa in ay macquul tahay in kooxda Manchester United ay hor dhigto naadiga Real Madrid, lacag lagu daray ciyaaryahankeeda Paul Pogba si ay gacanta ugu dhigto Cristiano Ronaldo.

Hadalsame Media