KA2018: Cristiano Ronaldo oo hoggaaminaya xulka qaranka Portugal ee gaaray dalka Ruushka… + SAWIRRO

0

(Moscow) 09 Juun 2018 – Xulka qaranka Portugal ayaa goordhow gaaray Waddanka Ruushka, halkaasoo ay kaga qeyb-galayaan ciyaaraha Koobka Adduunka 2018.

Kaddib guushoodii Euro 2016 oo lagu qabtay Waddanka Faransiiska waxa ay xulka Portugal doonayaan inay guul ka soo hooyaan Koobka Adduunka sanadkan kaasoo uu marti galinayo Dalka Ruushku.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa hoggaaminayey xiddigaha xulka qaranka Portugal ee goordhow gaaray Waddanka Ruushka.

Xulka Horyaallada Yurub waxa uu ka soo duulay gedada caalamiga ah ee Humberto Delgado Airport oo ku yaalla caasimadda Portuguese-ka ee Lisbon, waxaana ay goor-dhawayd cago-dhigteen Waddanka Ruushka.

Taageerayaal dhowr ah oo boorar iyo Sawirrada ciyaartoyda qaarkood gacmaha ku sitay ayaa ku soo dhaweeyey xulka Portugal garoonka diyaaradaha.

Xiddiga xulka qaranka Portugal ee gaaray dalka Ruushka waxaa ka mid ah Cristiano Ronaldo, A. Silva, Pepe, Ricardo Quaresma iyo kuwo kale.

SAWIRRO:

Hadalsame Media