Maxay tahay sababta ay Shirikadda Nike u diidday inay Kabaha Isboortiga siiso xulka qaranka Iran ee ka qayb galaya Koobka Adduunka?

0

(Beaverton) 09 Juun 2018 – Shirikadda qalabka Isboortiga farsamaysa ee Nike ee laga leeyahay Waddanka Mareykanka ayaa shaacisay in aysan xulka Iran siin doonin Kabaha gaarka ah ee ay ugu talo gashay inay ku ciyaaraan ciyaartoyda ku tartami doonta ciyaaraha Adduunka 2018.

Warbixintan ka soo baxday Nike ay shirikaddu ku sheegtay in ay go’aankaasi qaateen iyagoo raacaya cuna qabateyntii uu Madaxweynaha Waddanka Mareykanka ee Donald Trump saaray dalka Iran.

Trump ayaa bishii la soo dhaafay waxa uu ka baxay heshiiskii 2015 Mareykanka iyo dalalka Yurub ay la galeen Iran ee ku aaddanaa Barnaamijka Nukliyeerka.

Sidaasi darteed iyadoo shirikaddu raacayso go’aankii Madaxweyne Trump ayey diiday inay kabaha ay farsameyso siiso xulka qaranka Iran.

Macallinka xulka qaranka Iran ee Carlos Queiroz ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay go’aanka ay Shirikadda Nike qaadatay, xilli maalmo kooban uu ka haray furitaanka Koobka Adduunka 2018 ee lagu qabanayo Waddanka Ruushka.

Waa markii shanaad oo uu xulka Iran u soo gudbayo Koobka Adduunka, waxaana uu sanadkan filanayaa inuu guulo wax ku ool ah ka keeno dhacadada ugu weyn kubadda cagta.

Xulka qaranka Iran ayaa guruubka B ee Koobka Adduunka kula jira xulalka Morocco, Spain iyo Portugal.

Hadalsame Media