RASMI: Kooxda Juventus oo dhammaystirtay saxiixa Goolhaye Mattia Perin… + SAWIRRO

0

(Turin) 09 Juun 2018 – Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa maanta ku dhawaaqday inay dhammaystiray saxiixa goolhaye Mattia Perin.

Juventus ayaa u dhaqaaqday inay soo qaadato goolhaye kale kaddib markii uu kooxda ka tagay Gianluigi Buffon, waxaana haatan ay naadiga Genoa kala soo wareegeen Mattia Perin, iyadoo goolhayahan uu qalinka ku duugay heshiis afar sanadood ah.

Kooxda ku guuleysatay horyaalka Serie A ayaa kala soo baxay 25-jirkaan 10.5 milyan oo gini, goolhayahan ayaana kulankiisii labaad ee xulka qaranka waa weyn ee Talyaaniga u saftay ciyaartii ay barbaraha 1-1 la galeen Netherlands horraantii todobaadkan.

Saddex todobaad ka hor kaddib markii uu ka tagay kooxda Juve goolhayahoodii halyeyga ahaa ee Buffon kaasoo taageerayaashu ay sagootiyeen kaddib 17-sanadood oo uu ku sugnaa Turin, kooxda Juve ayaa haatan ku dhawaaqday inay la soo wareegay goolhaye Perin.

Wojciech Szczesny ayaa la filayaa inuu ku soo laabto lambarka koowaad ee kooxda Juve xilli ciyaareedka soo socda, halka Perin oo siddeed sanadood ku soo qaatay Genoa la filayo inuu kursiga keydka soo fariisan doono tartanna la geli doono Szczesny.

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah ula wareegay milkiyadda Douglas Costa oo ay kala soo wareegeen Bayern Munich, waxaana sidoo kale la filayaa inay maalmaha soo socda dhammaystiraan saxiixa xiddiga Liverpool ee Emre Can.

SAWIRRO:

Hadalsame Media