KABO MEEL KALE KA DOONTA: Cunaqabatayn uu Trump soo rogey oo kaba la’aan dhigtay xulka Iiraan!

0

(Moscow) 08 Juun 2018 – Macallinka xulka Iiran ee Carlos Queiroz ayaa cambaareeyay sharikadda Nike kaddib markii ay camaaliqada farsamaysa agabka isboortigu ay diiddey inay kabo siiso xulka Iiraan, iyagoo daliishanaya cunaqabatayn uu soo rogey madaxwayne Donald Trump.

Sida ay sheegtay VOA Persian, Nike ayaa ku qiil samaysatay in sababta ay kabaha ugu diideen Iiraan oo qayb ka ah KA2018 Ruushka ka furmaya, ay tahay go’aan kasoo baxay Aqalka Cad oo dib usoo rogey cunaqabatayntii Iiraan saarnayd, taasoo qayb ka ah ka bixitaanka Maraykanka ee heshiiskii Nukliyeerka ee dalkaasi lala galay 2015-kii.

“Laacibiintu waxay la qabsadeen agabka isboorti ee ay isticmaalaan, marka sax ma aha in lagu khasbo inay bedelaan iyadoo uu todobaad ka harsan yahay ciyaarohooda muhiimka ah,” ayuu yiri Queiroz oo sheegay inay arrintan ula tegayaan FIFA.

Nike ayaa war ay soo saartay ku sheegtay sidatan: “Cunaqabataynta [ka timid Aqalka Cad] waxay ka dhigan tahay, in ka shirkad Maraykan ah ahaan, aynaan awood u lahayn inaan kabo ku qalabayno xulka qaranka Iiraan waqti-xaadirkan,” sida uu qoray rferl.org.

Xulka Iiraan oo ah dalkii ugu horreeyay ee Ruushka u yimaadda KA2018, ayaa waxaa dhanka dharka ka ka taageerta sharikadda Jarmanka ah ee Adidas oo aad ula xafiiltanta Nike oo iyadu u xil-saaran inay kabaha siiso xulkaasi.

Iran manager Carlos Queiroz has hit out at Nike after the sports manufacturing giants refused to supply the team with boots due to sanctions imposed by US President Donald Trump’s administration.


Hadalsame Media