WAR CUSUB: Maraykanka oo loogu hanjabey in laga cayrinayo ururka G7 haddii….

0

(La Malbaie) 08 Juun 2018 – ”Haddii Donald Trump uusan kala jeclayn “inuu go’doonsan yahay,” deeto G7 laga yaabee inayba ku fiican tahay G6”, ayuu madaxwaynaha Faranjiga ee Emmanuel Macron, isagoo dhiggiisa Maraykanka ku dhaliilay soo rogista ”tariifo ma dhalays ah” iyo isku dayga inuu dalalka kale ka hor istaago inay la macaamilaan Iiraan.

“Lixda dal ee kale ee ku jirta G7 markii Maraykanka laga saaro, waa suuq ka wayn midka Maraykanka,” ayuu yiri Macron, oo ag taagan Wasiirka Koowaad ee Canada Justin Trudeau. “Laga yaabee in madaxwaynaha Maraykanku uusan kala jeclayn inuu go’doonsan yahay, balse waxba kama qabno in aan G6 noqonno, haddii loo baahdo.” ayuu raaciyay.

Hadalka Macron ayaa imanaya xilli ay G7 ku kulansan yihiin Canada, iyadoo la rumaysan yahay in kulan madaxeedka G7 uu markii ugu horreeysey noqonayo riinge ay ku hardamaan dalalkan oo isku haya heshiisyadii horay loo galay oo uu aad u “saluugsan yahay madaxwaynaha Maraykanku.”

Hoggaamiyaha Faransiiska ayaa sidoo kale cambaareeyay tariifada uu Trump kusoo rogey birta aastada ah ee ay Maraykanka u iib geeyaan qaaradda Yurub, iyo dalalka Canada iyo Mexico.

Hadalsame Media