Antonio Conte oo SABAB la yaab leh ku diidey Real Madrid!!!

0

(London) 07 Juun 2018 – Kooxda Real Madrid ayaa la sheegayaa inay xiriir la sameeysay Antonio Conte, balse wuxuu u sheegay inuu ixtiraamayo qandaraaska uu kula jiro Chelsea, sida uu sheegay Sky Sport Italia.

Warkan ayaa soo baxay kaddib markii uu warsidaha Marca baahiyay in Les Merengues ay xiisaynayaan inay keensadaan macallinkii hore ee xulka Talyaaniga si uga taliyo Bernabeu, waxaana la sheegayaa inay si toos ah Conte u waydiiyeen inuu xilkaa daneeynayo.

Yeelkeede, waxaa la sheegayaa inuu gaashaanka u daruuray dhowr sababood awgood, marka hore wuxuu doonayaa inuu ixtiraamo qandaraaska Chelsea, waayo haddii ay eryaan waxay ku khasban yihiin inay siiyaan €10m, waloow uu iminkaba ka caraysan yahay inay macallimiin kale la xaajoonayaan iyagoon u sheegin waxa ay isaga ka damacsan yihiin.

Conte ayaa sidoo kale aad uga walaacsan habka ay u shaqeeyso kooxda Real Madrid oo doorbiddo inay keento xiddigaha xilligaa ugu shidan suuqa, taasoo ah arrin uusan ka helin macallin Conte.

Macallimiinta kale ee weli lala xiriirinayo Cadcadka waxaa ka mid ah macallinkii SSC Napoli ee Maurizio Sarri iyo dhiggiisa Tottenham Hotspur ee Mauricio Pochettino waloow ay ninka dambe adag tahay in la helo haatan.

Hadalsame Media