Macallin Zidane oo markii ugu horreysay sawir laga helay tan iyo markii uu ka tagay kooxda Real Madrid – Muxuu hayaa haatan?

0

Macallin Zinedine Zidane ayaa sawir laga soo qaaday markii ugu horreysay tan iyo markii uu ka tagay dhawaan kooxda uu hoggaaminayey ee Real Madrid.

Sawir laga qaaday macallinka maalmo yar uun ka hor ka dhaqaaqay kooxda Los Blancos ayaa muujinaya inuu dib ugu laabtay dalkiisa Faransiiska, maadaama uu ka soo dhexmuuqday qoyskiisa iyo saaxiibadiis.

Waxaa sawirka ka muuqday wiilasha macallin Zidane ee Luca iyo Enzo Zidane, si la mid ah xiddiga khadka dhexe ee naadiga Marseille Max Lopez iyo ina adeerkiis  Driss Zidane, kuwaasoo dhammaantood waqti wacan ku qaadanayey halka la yiraahdo Aix-En-Provence.

Ninka reer France ee Zidane ayaa xirnaa funaanad ay ku xardhantahay Magaca Shirikadda Adidas oo gacmo dheer ah iyo buume madow, waxaana uu gacanta ku hayey kubbad.

Macallin Zidane ayaa la wariyey inuu heshiis la gaaray xulka qaranka Qatar oo uu noqon doono macallinkooda cusub Koobka Adduunka 2022, balse haatan wax shaqo ah mahayo.

EEG SAWIRKA:-

Hadalsame Media