QIIMAYNTA CUSUB: UEFA oo soo saartay sida ay taariikh ahaan u kala sarreeyaan kooxaha Yurub!

0

(Nyon) 07 Juun 2018 – Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saartay kala sarreeynta taariikhiga ah ee kooxaha Yurub, iyadoo loo cuskaday in laba dhibcood loo qiimeeyo koob kasta oo Yurub ah oo ay koox kastaahi qaadday.

Waxaa sida la fili karaba kaalinta 1-aad taagan Real Madrid, waxaana ku xigta Barcelona iyo AC Milan oo caadiyan Real Madrid ku xigta, balse ay bara bixisay natiijo xumadii sanadihii dambe ee dhanka Yurub, iyadoo ay soo raacaan Bayern Munich, Liverpool, United iyo Ajax, iyadoo ay Liverpool kaalinta 5-aad taagan tahay.

Dhanka Talyaaniga Inter iyo Juventus ayaa ku kala jira kaalimaha 9-aad iyo 10-aad sida ay u kala horreeyaan.

Hadalsame Media