Laacibka Kooxda Arsenal ee Mesut Ozil oo shaki laga galinayo Koobka Adduunka

0

Kubbad-sameeyaha xulka qaranka Jarmalka iyo kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa shaki laga galinayaa ka qeyb qaadashadiisa Koobka Adduunka 2018, waxaana la soo warinayaa inuu waqtiga la dagaali doono si uu taam ugu noqdo koobka Adduunka xagaagan.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ayaa dhaliyey goolka furitaanka kulankii Saaxiibtinnimo ee xulkiisa qaranka Jarmalku guuldarrada ka kulmay Austria Sabtidii, laakiin waxaa garoonka laga saaray kaddib markii uu dhaawac ka gaaray Jilibka, markii ay isku dhaceen difaaca kooxda Watford ee Sebastian Prodl.

Wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Bild ayaa warinaya in Ozil uusan soo xaadirin tababarka xulkiisa tan iyo dhacdadaas, taasoo ka dhigan inuu shaki ku jiro ka qeyb-galkiisa Koobka Adduunka oo bilaabanaya muddo todobaad ah kaddib.

29-sano jirkaan ayaa sidoo kale seegay todobadii kulan ee ugu dambeeyey Premier League xilli ciyaareedka sababo dhaawac, waxaana haatan la filayaa inuusan ka soo muuq doonin kulanka ugu dambeeya ee xulkiisa qaranka Jarmalku isugu diyaarinayo Koobka Adduunka, kaasoo uu la ciyaari doono Jimcaha xulka Saudi Arabia.

Xulka difaacanaya Koobka Adduunka ayaa 10 maalmood kaddib kulankaas la ciyaari doona Mexico, iyadoo Ozil shaki laga galinayo kulamada furitaanka dhacdada ugu weyn Kubadda cagta.

Ozil ayaa 90 kulan u saftay xulka qaranka Germany, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii koobka adduunka ku qaaday xulka Brazil afar sano ka hor.

Hadalsame Media