Soomaaliya: Ibraahim Iidle Suleymaan oo aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyey.

0

(Moqdishu) 03 Juun 2018 – Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan oo dhawaan Madaxwayneha Soomaaliya xilka ka qaadey ayaa ugu dambeyntii ogolaaday inuu xilka wareejiyo.

Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha Hadalsame helay maanta oo Axad ah ayaa sheegaya in Guddoomihii hore uu ogolaaday xil qaadista uu ku sameeyay Madaxwayne Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyeha cusub Mr.Baashe ayaa la dhaariyey dhawaan waxaana laga filayaa in uu qeyb ka noqdo dib u habeyn balaaran oo lagu sameynayo Hanaanka garsoorka Soomaaliya oo ay ka jiraan dhaliil fara badan.

illo xog-ogaal ah oo diiday in la shaaciyo ayaa u xaqiijiyey Hadalsame, arrintaan ay soo shaqeeyeen ururka qareenadda Soomaaliyeed oo ku dhiiragaliyey in guddoomiyihii hore uu ogolaado wareegtadii xilka looga looga qaadey.

Dhawaan ayey aheyd markii uu sheegay inuu ka soo horjeedo xil ka qaadista lagu sameeyey. Waxaa la sheegay inuu la kulmay Madaxwayne Farmaajo oo arrinta si hoose uga wadahadleen si uu xilka ugu wareejiyo guddoomiyeha cusub.

Hadalsame Media