Soomaaliya: Shirka amniga qaranka oo ka furmay Magaaladda Baydhabo.

0

(Muqdisho) 03 Juun 2018 – Shirka amniga qaranka ayaa markii ugu horeysay lagu qabanayaa meel ka baxsan caasimadda Magaaladda Muqdisho.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa maanta oo Axad ah shir uga furmay Magaaladda Badhaybo ee xarunta gobolka Bay.

Shirka waxa dhinaca Federaalka ku matalaya Ra’iisal Wasaareha Soomaaliya Xasan Cali Khayre halka dowlad goboleedyadda ay matalayaan Madaxwayneyaasha Maamuladda xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Shirkan waxaa uu ku soo beegmaya xili Soomaaliya isku diyaarinayso dhismaha iyo xoojinta ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Midawga Yurub, Mareykanka iyo saaxiibadda kale ee beesha caalamka ayaa la filayaa inay shirkaan ka qeybgalaan kaas oo gabogabada lagu wado in war-murtiyeed laga soo saaro.

Lama oga inta maalmood oo uu qaadan doono, hase ahaatee waxaa shirkaani ku soo beegmayaa xili uusan wanaagsanayn xariirka wadashaqeyn ee dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyadda.

Hadalsame Media