Xulka qaranka Colombia oo Funaanaddiisa u soo bandhigay si la mid ah sidii ay Kooxda Barcelona u soo bandhigtay Maaliyadeeda cusub! + SAWIRRO

0

Si la mid ah sidii ay kooxda Barcelona u soo bandhigtay maaliyadeeda cusub oo ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub waxaa adeegsaday xulka qaranka Colombia.

Waxa uu xulka qaranka Colombia soo bandhigay maaliyaddiisa koowaad ee uu ku ciyaari doono xagaagan koobka adduunka isagoo u soo bandhigay si la mid ah sidii ay kooxda Barcelona u soo bandhgtay funaanaddeeda cusub ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si aan horay loo arag u soo bandhigtay maaliyaddeeda cusub ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka dambe19 bishii dhammaatay ee May.

Naadiga reer Spain ee Barca ayaa maaliyaddeeda markii ay soo bandhigaysay dadka ku soo jiitay qaabka cusub oo ay u soo bandhigtay iyadoo diyaaradda garanta laga hago ee Drone-ka ka soo laad-laadisay maaliyadeeda cusub ka hor inta aysan ciyaartoydu isku sawirin.

Sidaas oo kale waxaa sameeyey xulka qaranka Colombia markii uu soo bandhigayey maaliyaddiisa cusub ee uu ku ciyaari doono Koobka Adduunka 2018 Drone ka soo lalmiyey maaliyadda midabka Jaallaha ah.

Hadal Same