QAYLADHAAN: Digniin ku socota garoomada diyaaradaha Somalia!

0

(Muqdisho) 03 Juun 2018 – Safarkii hadda ahaa ee Soomaaliya ayaan Waxaan Diyaaradda Istanbul ku arkey arin iga yaabisey balse aan markiiba fahmey..

Meesha lagu suggo Diyaaradda ayaan inta aan Safka aanan galin waxaa isoo ag istaagey Labba Nin oo Cadaan ah iyo Nin Afrikaan ah oo Shaqsi Soomaali ah oo Nin ihi la socdo..

Markiiba Waxaan gartay nimankaan Cadaaanka oo Waraaqaha gacanta ku haya Shaqsigaan Soomaaliga ahna wadda aleeylehe ninkaan dambiguu galay ma yarra Waxaanse filaa maadaama Diyaaraddu Transit Jabuuti ku aheyd Midhaa Ninka Jabuutaa loo wadaa…

Markiiba Waraaqaha mid kamid ah ayaa i sheeydu qabatay Waxaana ku Qornaa Home Office Uk!!

Diyaaraddii inta aan Saarnaa Waxaan marka aan Musqusha aadaba insha la raacaa nimankii iyo ninkii Soomaaliga ahaa!

Jabuuti markaan soo istaagnay ayaa Diyaaraddii Waxaa ka dagay labaddii Nin oo cadaanka ahayd waxaayna la hadlayeen Shaqsi kamid ah shaqaalaha Diyaaradda Turkish Waxaay lahaayeen Halkaan baan uga dageynaa ee ninkaan waraaqihiisa naga qabbo..

Waan is heyn Waayey waan soo ag istaagay Waxaana dhahay Muxuu ahaa ninkaan aad Dalka iska galineysaan???

Adinku Sababta aad uga hareeysaan ma sheegi kartaan?

Jawaab weey isiin waayeen kii madoowga ahaa ayaase i dhahay ninkaan 20 Sano oo Xabsi ah baa lagu xukumey Dalkiisa Soomaaliya ayuuna door bidey!!

Markii aan kasoo dagey Diyaaraddii Waxaan aadney Qeybta VIPda Airportka xoogaa Kadib markaan banaanka usoo baxey ee aan Meesha Taxidda hormareeyno aamba arko ninkii oo kaligiis socda oo aan Cidina wadan!!!!

Hadda kahor ayaa Gabar Asal ahaan Kenyan ah balse dhalasho Finlands ah heeysataa Waxaa la ogaadey inaay Cudurka HIV Adska qaad siisey Rag badan!

Dowladda Findland waxeey goaansadeen ineey Soo masafuriyaan ayaddoo waliba Xukun martey Waxaa la ii sheegey in Kenya diidey in naagtaasi Dalkooda lagu dhexdaayo..

Hadda Waxeey ku xiran tahey Dalkaas Finland…

Hadabba Dadka Airabooradeena inta la dhex keeno looga tagayo yaa ka masuul ah Baaridooda???

Qolyaha Diyaaraddu Dadka aay iska soo qaadayaan ee aay ka aamusayaan yaa kula Xisaabtama?

Waxaan jeclaan lahaa Arintaas in lagu baraaruggo!

Qore: Cali Yaasiin Gurbe

Hadalsame Media