Milkiilaha AC Milan oo la sheegay inuu dhuumasho ku joogo Milano! (Sabab?)

0

(Milano) 03 Maajo 2018 – Warar la isla dhexmarayo ayaa tibaaxaya in milkiilaha AC Milan ee Yonghong Li iyo jaalkiisa Han Li ay Talyaaniga si qarsoodi ah u joogeen tan iyo Talaadadii, balse aysan booqanin xarunta Milan. Sida ay faafinayaan Sky Sport Italia iyo La Repubblica, badrooniga ayaa Talaadadii kasoo degey Milano balse wuu is qariyay.

Ma cadda sababta uu sidaa u yeelayo, balse Yonghong Li oo aan midna tegin xarunta Milan ee Casa Milan walaa xerada tababarka Milanello ayaa wajahaya todobaadyo aan sahlanayn oo ay Rossoneri is mari la’yihiin UEFA oo kula dheggan inay ku tumatay xeerka dhaqaale wanaagga Financial Fair Play.

Yonghong Li ayaa la sheegay inuu soo dhiibey €10m oo euro oo lagu kordhiyo raasumaalka kooxda taasoo Isniinta imanaysa si uu uga hortago inay kooxda la wareegto Elliott Management, balse waxaa looga fadhiyaa €30m oo kale oo laga doonay 15-ka Juun.

Waxaa kasii daran, Yonghong Li oo laga sugayo inuu gudo qaan dhan €380m oo uu ka qabo Elliott Management bisha Oktoobar ee sanadkan, isagoo haddii uu bixin waayo taa bedelkeeda wayn doona naadiga.

Hadalsame Media