(Nice) 01 Juun 2018 – Talyaaniga ayaa sanadkan ka maqan KA2018, waxayna taasi sababtay in la eryo macalllinkii hore iyadoo la magacaabay macallinka cusub ee Roberto Mancini.
Sidaa darteed, wuxuu Talyaanigu soo safay dhallinyaro da’yar iyadoo la tuuray 90% xulkii hore qaybtii waawaynka ahayd, waxayna xulkaa tijaabada ah oo Sucuudiga kasoo badiyay ciyaartii 1-aad caawa 3-1 uga badiyay Faransiiska.
Yeelkeede, taageerayaasha kooxda Nice ee dalka Faransiiska ayaa si wayn ugu sacbiyay una istaagey markii lagu dhawaaqay magaca laacibkoodii hore ee Mario Balotelli iyagoo u muujinaya qaddarin iyo abaal.
Hadalsame Media
Facebook Comments