”Waxaad la murugooteen laacib garabka u dhacay lkn kama murugootaan gardarrada….” – Dr Zakir Naik oo furka tuuray

0

(Mumbai) 02 Juun 2018 – Waxaa maalin dhowayd baraha bulshada aad u holcisey caro ay dad badan oo Carab u badani ka qaadeen dhaawac garabka ka gaarey Mohammed Salah kaas oo keentay in laga saaro ciyaartii final-ka ee CL, haddaba waxaa arrintaa aad u duray wadaadka caanka ah ee reer Hindiya Dr Zakir Naik oo arrinta oo idil xagal kale u rogey wuxuuna Facebook kusoo qoray:

Waan xushmaynayaa akhlaaqda iyo ka go’naanta laacibka Mohammed Salah, balse waxaa la yiri nin baa garabka u dhacay garoon kubadeed, deeto Carabtii oo dhan baa la xanuunsatay, halka ay boqollaal shahiid ay maalin kasta ay dhimanayaan qof dareemaana ma jiro. Halkan ka akhri

Laakiin keen ka murugoonnaa ma laacib garabka u dhacay mise carruurta la laynayo maalin kasta, iyo haweenka maalin kasta la kufsanayo.

Waxaan rajaynayaa inaad caadifadda meel iska dhigtaan ood eegtaan shucuubta ku dhibban Gaza, Quddus, Syria, Burma, iyo Bariga China iyo kuwa kale oo kaalmada waydiisanaya balse aanay cidina u jawaabaynin.

Aan Alle u laabanno oo aan niyaddeen wanaajinno si uu Ilaahay noo wanaajiyo adduun iyo aakhiro.

 

Hadalsame Media