Maxaa ka jira wararka sheegaya inuu geeriyoodey Mohammed Bin Salman?!

0

(Riyaad) 27 Maajo 2018 – Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Mohammed Bin Salman, oo ah 32-jir aad ugu caan ahaa inuu warbaahinta isu dhigo isla markaana ahaa hoggaamiye beenaadka dalkaasi, ayaa si aan looga baran warkiisa loo la’yahay beryihii dambe, taasoo keentay in warbaahinta Bariga Dhexe qaarkood ay is waydiinayaan inuu dhintay iyo in kale.

Bin Salman ayaa fagaarayaasha lagu arag tan iyo kulankiisii Qoyska Boqortooyada Spain 12-kii Abriil, iyadoo uu tuhunkani yimi kaddib markii rasaas laga maqlay meel u dhow qasriga boqortooyada ee Riyaad 21-kii isla bishii Abriil.

Waloow ay warbaahinta dowladda Sucuudigu ay arrintaa ku fasireen ciidamada amaanka oo soo ridayay drone boombale ah oo usoo dhowaadey qasriga, waxay dadka qaar is waydiinayaan inay meesha xogo kale ku qarsan yihiin.

Todobaadkii tegey warsidaha Irani-ga ah ee Kayhan ayaa daabacay war sheegaya in Amiirka lala helay laba xabadood kaddib markii lagu weeraray agagaarka qasriga oo ay ku tilmaameen ”afgembi”, kaasoo uu deeto u dhintay, iyagoo ku dooday inay warka ka heleen ilo sirdoon oo dhex ka qabtay warka oo u socdey dal kale oo Carbeed.

Waloow ay cadaawad fogi ka dhexeeyso Iiraan iyo Sucuudiga oo ku loollamaya saamaynta gobolka, misna waxaa warka Kayhan sii xoojiyay kaddib markii Bin Salman laga waayay sawirka kulankii Xoghayaha cusub ee arrimaha dibedda Maraykanka ee Mike Pompeo oo Riyaad booqday dabayaaqadii Abriil, tiiyoo ay sawirka ka muuqdeen aabihii Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, iyo wasiirka arrimaha dibedda Adel al-Jubeir.

Bin Salmaan ayaa waxaa aad ugu ciil cunsan xubno badan oo ka tirsan qoyska reer boqor, isagoo marka laga soo tago inuu xilka dhaxsugaha boobay misna xirxirey qaar badan oo ka tirsan xubnaha qoyskaasi oo uu musuq ku eedeeyay isagoo sidoo kale cayrsanayay qorshayaal isbeddel doon ah oo aad u ballaaran, wuxuuna bilowgii Abriil kasoo noqday booqashooyin uu ku kala bixiyay Yurub iyo Maraykanka.


Xubno ka tirsan qoyska ayaa Arbacadii soo saaray sawirka Bin Salmaan oo ay sheegeen inuu ka qayb galay kulan ka dhacay Jiddah, si ay u beeniyaan warkan, balse weli taasi kuma fillaanin inay arrintan si buuxda u xalliso.

Hadalsame Media