Wararkii ugu dambeeyay ee Donnarumma oo ay kooxo kala duwani doonayaan!

0

(Milano) 27 Maajo 2018 – Goolwalaha Gianluigi Donnarumma ayaa lasoo werinayaa inuu iska sii joogi karo kooxda AC Milan, maaddaama aysan ilaa hadda muuqanin koox u diyaar u ah inay bixiso €70m oo ay kooxdiisu dalbanayso.

Wakiilka laacibka, Mino Raiola, ayaan qarinin sida uu doonayo inuu koox kale geeyo laacibka xagaagan, waxaana taa kusii darsamay UEFA oo laga yaabo inay ganaaxdo kooxda Milan kaddib markii ay diidey heshiiskii xeer jajabka ahaa, sidaa darteed Milan waxay u baahan kartaa kaash gudeed.

Yeelkeede, warsidaha Corriere della Sera ayaa werinaya in haddii aanay kooxina bixinaynin  €70m aysan Milan diyaar u ahayn in ay ka yar ku fasaxdo.

Paris Saint-Germain ayaa muddo xiisaynaysay 19-jirkan, balse waxay haatan u muuqdaan kuwo u weecanaya dhanka Gianluigi Buffon.

Hadalsame Media