Taageerayaasha Masaarida oo inkaar & ilaaq iskugu daray Sergio Ramos (Arag falcelintooda)

0

(Qaahira) 27 Maajo 2018 – Kabtanta Real Madrid ee ayaa wajahaya caro dab ah oo kaga imanaysa dhanka taageerayaal caraysan oo Masaari u badan kaddib falkii uu garoonka kaga baxay ee keenay in uu dhaawacmo jookarka

Salah ayaa ciyaarta ka quustay daqiiqaddii 30-aad ciyaartuu UEFA Champions League final kaddib markii uu Ramos kula kacay wax loo arkayay inuu si kas ah gacantiisa ula seexday, taasoo keenay inuu u dhoco garabka bidix, waxaana in yar kaddib beddeley Adam Lallana.

Dhaawaca Salah ayaa shaki gelinaya faya qabkiisa Koobka Adduunka oo bilaabmaya horraanta bisha soo aaddan, taasoo keentay inay aad uga caroodaan taageerayaasha Masaarimada, waloow uu dhakhtarka xulkaasi uu sheegayo inay rajadu fiican tahay.

Waxaa baraha bulshada sidii duufaan u dhex xulayay hashtag ama sumad eey ku tilmaamaysa kabtanka Real Madrid taasoo uu qofba meel ka eedaynayo daafaca 32-jirka ah ee reer Spain oo ay qaar kale shaydaan ku tilmaameen.

Hoos ka eeg farriimaha baraha bulshada.


Hadalsame Media