Siyaasiyiinta Turkiga oo bilaabay inay fursad ka raadiyaan shilka wiilka MW Somalia & Fal-celin culus oo ka timid shacabka Turkiga (Aqri hadalkooda)

0

(Istanbul) 08 Dis 2023 – Duqa Istanbul, Ekrem İmamoğlu, ayaa qoraal uu boggiisa X (ex Twitter) soo dhigay wacad ku maray inuu maxkamad horkeeni doono, oo aanu kana hari doonin wiilka Madaxwaynaha Somalia, Maxamed Xasan Sheekh oo gaari jiirsiiyey Yunus Emre oo mootoole ahaa kaasoo 6 maalmood kaddib dhaawaca u dhintay.

Sida muuqaalka laga arkayo wiilka Madaxwaynaha oo hadda la sheegay inuu Imaaraadka tegey, ayaa haysta qiil macquul ah waayo wiilka dhintay wuxuu mar qura istaagayaa jidka, taasoo badiyaa sababta shilalka noocan ah, inkastoo sharciga waddooyinku uu farayo qofka dambe inuu gaariga ka gooyo ama qabto waxa loo yaqaan bareeg adag.

Waxaa sidoo kale socota dood shacbawi ah oo ay shidayaan siyaasiyiinta cunsuriga ah iyo kuwa qoowmiga ah oo arrintan uga faa’iidaysanaya qaab ay ku jeedlaan MW Turkiga ee Erdogan waxayna haystaan laba qiil oo iyana macquul ah:

1 – Dooddooda ugu xooggani waxay tahay, sharciga u ogolaaday inuu wiilka Madaxwaynuhu wato gaariga Qunsuliyadda Safaaradda Somalia isagoo aan ahayn diblomaasi.

2 – Sababta ay booliisku markii hore u faafiyeen war aan sax ahayn oo ahaa inuu Yunus Emre Göcer uu lumiyey xakamaynta mootada, halka uu muuqaalku muujinayo inuu istaagey oo qura. Halkan ka eeg…

”Dadka, magaalada… Rajada qura ee uu dalku leeyahay” mid baa soo qoray.

”Ma garyaqaan baad tahay mise qareen? Basaskii magaaladu waa buux dhaafeen oo waxaad ugu dhimanaysa hawo la’aan, kaliya gudo waajibkaaga” mid danta in la eego diiradda saaray baa kula taliyey.

”Waxaa tahay Madaxwayne xaqa iyo cadaaladda u taagan” ayuu mid kale uga koobiyey.

”Wiil uu dhalay Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa gaari ku dhuftay oo diley Mootoole waana lasii daayey. Taasi waa in yar oo ka mid ah nolosheenna qaaliga ah ee dalkan. Caddaaladi ma jirto, haddii aad faqiir tahay, waa lagu ilaaway” ayuu mid kale ku cataabay.

”Qof kasta oo wax sameeya, iyadoon loo eegin jagadiisa, waa in la ciqaabaa” gabar baa soo jeedisey.

”Markaad haysato Baasaboor Diblomaasi ah, dhib ma leh!! ️Xasaanadda ha la indho tiro!” ayuu mid soo qoray.

”Qalbigaygu ma qaboobi doono haddaan la xirin oo aan sida ugu qallafsan loo ciqaabin” mid baa wacad ku maray.

”Booliisku waxay si bareer ah been uga sheegeen walaalkeenna marxuumka ah waxaadna mooddaa inuu qaranka ku jeesjeesay, Alle ha u naxariisto walaalkeen, waxaan u rajaynayaa qoyskii uu ka baxay inuu samir ka siiyo” mid baa ku muusannaabay.

Hadalsame Media