Muran ka taagan sida loo maareeyey ninka ku dhintay shilka wiilka MW Somalia (Qoyskiisa & Qarreenkiisa oo sheegay arrin ay ka baqayaan)

0

(Istanbul) 06 Dis 2023 – Warbaahinta dalka Turkiga ayaa si gaar uga warramaysa shil gaari uu Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay Madaxwaynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud uu galay kaasoo sababay inuu ku geeriyoodo nin Mootoole ahaa oo la yiraahdo Yunus Emre Göcer.

Shilka ayaa dhacay 30-kii Nofeembar meel u dhow meesha laga baxo dusmada Eurasia Tunnel ee Aksaray.

Göçer, oo 38 jir ahaa, ayaa isku dayayey inuu istaago Waddada Kennedy Avenue, markii Maxamuud, uu watay baabuur ku diiwaan gashan magaca Qunsuliyadda Soomaaliya, uu gadaal uga dhacay Göçer.

Shilka ayaa sababay dhaawac culus oo soo gaarey Göçer, kaas oo lix maalmood kaddib ugu dhintay dhaawacii soo gaarey Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Istanbul.

Warbixinihii ugu horreeyey ee booliiska ayaa si aan sax ahayn u faafiyey war sheegaya in Göçer uu lumiyey xakamaynta mootada. Si kastaba ha ahaatee, muuqaallo ammaan oo lagu kaamarada ammaanka ayaa markii dambe shaaca ka qaadday in gaariga Maxamuud uu dhabarka dambe kaga dhacay marxuumka, taasoo ka hor imaanaysa warkii hore.

Iyadoo ay taasi jirto, Maxamuud ayaa la sii daayey kaddib markii uu booliisku warbixintan bixiyey. Kala duwanaanshiyahan ku jira warbixinta booliiska iyo muuqaalka CCTV-ga ayaana haatan walaac ku abuuray saaxiibada Göcer iyo qoyskiisa.

Yuusuf Özsoy oo ay saaxiibo dhow ahaayeen ayaa rajo xumo ka muujiyey sida loo maareeyey kiiska. Qarreen Iyaz Çimen, oo la hadlayey Cumhuriyet, ayaa dhaleeceeyey khaladaadka ku jira warbixinta, wuxuuna muujiyey saamaynta ay xasaanadda diblomaasiyadeed ku yeelan karto in lasii ambaqaado dacwadda si loo qaado tillaabo sharci ah.

Dhanka kale, bulshada ayaa u baroor diiqday Göcer, oo ahaa aabbe laba caruur ah leh, kaddib markii ay ka qaybgaleen aaskiisa oo ka dhacay Gümüşsuyu Cemevi, halkaasoo ay ka muuqatey hiillo ay u muujinayeen wadayaasha mootooyinka oo janaasada yimid.

Kiisku wuu sii socdaa haatan, iyadoo lagu baaqayo baaritaan hufan iyo dacwad sharci oo caddaalad ah oo lagu sharfayo xaqoodana lagu siinayo Göcer iyo qoyskiisa.

Hadalsame Media