10-ka dal ee ugu dhaqaalaha badan qaaradda Afrika oo lasoo saaray (3 dal oo uga jira Bariga Afrika)

0

(Hadalsame) 06 Dis 2023 – Dal cusub ayaa la wareegey hoggaanka dalalka ugu dhaqaalaha badan qaaradda Afrika oo ay markii hore ku jirtey Nigeria.

Dalka cusubi waa Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar iyadoo booskaas gashay marka si guud iyo gaar ahba loo qiimeeyo wax soo saarka dalkaasi ee  GDP.

Nigeria oo markii hore sidaan sheegnay kaalinta 1-aad ee haatan lagala baxay ku jirtey ayaa kaalinta 2-aad u dhacday, halka kaalinta 3-aad ay xiratey South Afrika.

Marka la eego dalalka deriska la ah dalkeenna Somalia ee Gobolka Bariga Afrika, waxaa ugu sarreeysa Itoobiya oo kaalinta 5-aad ku jirta, halka Kenya ay 7-aad gashay, waxaana ku xigta Tanzania oo 8-aad joogta.

Hadalsame Media