UK, Taageere isagoo laacib iskaga dhigaya ka boollaystay taageerayaasha kooxdii la ciyaaraysey (Daawo waxa ay sawir la galeen ama uu funaanado saxiixay)

0

(Hadalsame) 02 Dis 2023 – Taageere Ingiriis ah ayaa si xun uga boollaystay taageerayaasha kooxdii kasoo horjeeddey isagoo weliba muuqaal ka duubay khiyaanada uu sameeyey.

Taageere ciyaar badan oo reer Bristol ah ayaa khiyaanay taageerayaasha Southampton oo uu iskaga dhigay inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha kooxdooda kaddib markii ay ku kulmeen horyaalka Championship-ka.

Taageerahan kooxda Robins ee Ted Hill ayaa sawirro selfie ah la galay weliba funaanado u saxiixay taageereyaal aad ugu faraxsan arrintaas bannaanka gegada St. Mary’s habeenkii Arbacadii.

Southampton ayaa 1-0 ku hoggaaminaysey xilligaas waxaana u dhaliyey Kyle Walker-Peters qaybtii dambe ee ciyaarta laakiin tani waxay ahayd hal dariiqo oo ay reer Bristol kaga aarsadeen kooxdan.

Muuqaal uu wadaagey saaxiibkii Matt Pearce, oo bilaabay ka boollaysiga taageerayaasha, ayaa muujinaya Ted oo salaamaya taageerayaasha Saints isagoo uga dhigaya inay riyooyinkoodii u rumoobeen.

Matt waxa uu xitaa MailOnline u sharraxay sida isaga iyo saaxiibkii ay ula baxsadeen khiyaamadiaa cajiibka ahayd, balse wuxuu qiray inay adag tahay inay markale sameeyaan.

Hadalsame Media