Lix cunto oo ay Somalia hodan ku tahay oo BEERKA looga nadiifin karo sunta & Wasakhda

0

(Hadalsame) 02 Dis 2023 – Beerku waa xubinta ugu wayn uguna muhiimsan ee habka dheefsiga cunnada ee jirka.

Waxa uu qabtaa howlo kala duwan sida burburinta haemoglobin-ta, insulin-ta iyo  hormoonno kale, baabi’inta unugyada dhiigga cas ee duqoobay, sunsaarista dhiigga, kaydinta faytamiinnada iyo xadiidka iyo soo saarista dheecaanka bayl oo muhiim u ah cunno shiidista.

Tan ugu muhiimsan waa inuu jirka ka nadiifiyo dhammaan sunta. Waxa uu jirka ka sifeeyaa walxaha sunta ah ee loo yaqaanno “free radicals” kuwaas si wayn u dhaawaca jirka, cudurro badanna keeno.

Si kastaba ha ahaatee, beerku wuxuu nugul yahay in dhaawac uu soo gaaro sababo dhanka deegaanka ah iyo kuwa dhanka cunnada ah sida cunnooyinka dufanku uu ku badan yahay iyo cunnooyinka warshadaysan.

Sidaas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in si wanaagsan loo daryeelo beerka. Beerka oo sunta laga sifeeyo, waxay muhiim u tahay inuu habsami leh u shaqeeyo, sida ugu fiican ee beerka sunta looga sifeyn karo waa in la isticmaalo waxyaabaha dabiiciga ah.

Caafimaad darrada beerku waxa ay keeni kartaa cudurro badan oo halistooda leh.

Haddaba, qormadan, Daryeel Magazine waxa uu ku soo gudbinayaa habab waxtar badan oo beerka sunta looga nadiifin karo iyada la isticmaalayo waxyaabo dabiici ah. Sii Akhri.

Toonta

Toontu Waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu fiican ee beerka looga sifeeyo sunta. Waxaa ku jira maadooyinka “allicin” iyo “selenium” kuwaas oo jirka ka sifeeya sunta. Isticmaal dhowr gabal oo toon ah si aad jirkaaga uga sifeyso sunta.

Badarka

Badarku waa cunno kale oo uroon sunsaarista saarka. Waxaa ku jirta maadada “gluten” oo si dabiici ah beerka uga nadiifisa sunta

Saliid saytuunta

Saliidani waxa ay caawisa hannaanka sunsaarista beerka. Waxa ay jirka siisaa dufanka ka nuuga sunta.

Khudradda caleemaha cagaaran

Khudradda cagaaran waxaa ku jirta maadada loo yaqaanno “chlorophyll” oo sunta ka sifeeysa dhiigga.

Tufaaxa

Waxaa ku jirta maado loo yaqaano “Pectin” oo dheefshiidka u roon, kuna caawisa mindhicirrada in aysan nuugin wixii jirka halis ku ah, marka waxay beerka ku caawinaysaa cunno laga soo reebay qashinkii in beerka la geeyo sidaasna shaqada ay ku yaraato.

Shaaha cagaaran

Shaaha cagaaran waxaa ka buuxa maadooyinka loo yaqaanno “antioxidants” kuwaas sifeeya dufanka ku uruura beerka. Shaaha cagaaran oo maalin kasta la cabbo waa habka ugu fiican ee sunta looga nadiifiyo beerka.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media