”Bal waxa ay dhigayaan arag” – MW Putin oo furka ku xooray hannaanka waxbarashada Galbeedka

0

(Moscow) 30 Nof 2023 – Iskuullada iyo jaamacadaha Galbeedka ayaa ka tegey hannaankii liberaaliga ahaa iyaga oo door biday daraasadaha jinsiga iyo kuwa kale sida “sayniska been abuurka ah,” sida uu qabo Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin oo khudbadeeyey Talaadadii.

“Reer Galbeedku, hadda kuma dhaqmayaan kaliya siyaasadda ‘baabi’inta dhaqanka, laakiin sidoo kale waa baabi’in dhab ah oo ka dhan ah waxbarashada fanka liberaaliga ah,” ayuu Putin ka sheegay shir ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka Ruushka oo lagu qabtay Sochi.

“Natiijo ahaan, dhaqankii iyo waxbarashaduba [dhanka Reer Galbeedka] waxay noqonayaan birima tiibbo,” ayuu sii raaciyey.

“Maadooyin badan oo qadiimi ah ayaa si fudud looga tuuray manhajyada reer Galbeedka, oo waxaa lagu beddelay nooc ka mid ah jinsiga iyo culuun la mid ah – cilmi-beenaad, dabcan.” ayuu yiri Putn.

Ifafaalahan uu Putin iftiimiyey ayaa waxa sidoo kale si wayn u cambaareeyey muxaafidiinta reer Galbeedka, kuwaasoo diiddan wax ay ku sheegeen isku dayo ay sameeyeen aqoonyahannada garabka bidix si ay u baabi’iyaan taariikhihii Giriiggii hore iyo Roman-ka oo ay ku bedelaan arrimo la xiriira jinsiga.

Ama xitaa dadka jinsigooda bedesha kuwaasoo galay boosaskii maaddooyinka daawada, cilmiga raadadkii hore (archaeology), iyo terabiyada cilminafsiga (psychotherapy), oo ay ku jiraan tusaalayaal kale oo aan tiro lahayn.

Hadalsame Media