Arrin carqaladayn karta oo lagusoo beegay qorshe ay wadaan madaxda DF Somalia (Fursad ku dhex jirt?)

0

(Hadalsame) 29 Nof 2023 – DF Somalia ayaa waddey qorshe ay doonayso inay wax uga bedesho maqaamka ammaan ee dalka oo leh ciidan aan diyaarsanayn si wanaagsanna u qalabaysanayn.

MW Somalia ayaa horraantii todobaadkan Baarlamanka dhexe ee DF ka sheegay in Golaha Ammaanka ee QM ay Somalia ka qaadayso cunaqabataynta hubka ee saarrayd tan iyo 1992-kii. Wuxuu xilliga la qaadayo ku muddeeyey bisha soo aaddan ee Diseembar.

Yeelkeede, waloow aan la hubin inay QM tillaabadaa qaadayso, misna waxaa meelo ka mid ah xeebaha Somalia durba ka bilowday, sida la sheegay, weerar burcad badeed.

Tan ugu darani waxay tahay in weerarkan oo uu midkii 1-aad dhacay 26-kii bishan misna mid kale la hadal hayey shalay, waxay carqalad wayn ku noqon kartaa in cunaqabataynta hubka laga qaado DF Somalia.

Ha yeeshee, waxaa jirta dood ka iman karta cidda run ahaantii isku dayday inay afduubato markabka tankar-ka ah ee Central Park, kaasoo laga leeyahay Israel islamarkaana uu badbaadiyey markabka dagaal ee Maraykanka ee US warship Mason.

Patrick Ryder oo u hadla Bentagon-ka ayaa sheegay in 5 qof oo isku dayday inay markabkaa afduubtaan ay u egtahay inay ”Soomaali yihiine aanay Xuuti ahayn”, balse ma xaqiijin warkiisa oo si hubaal ah uma dhihin ”waa Soomaali.”

Dad baa durba baraha bulshada ka bilaabay dood ah in qorshahan lagu fashilinayo in DF Somalia laga qaado cunaqabataynta hubka, balse misna maadaama ay burcad badeeddu tahay dhibaato heer qaran ah waxaa waajib ka saaran yahay isla DF Somalia oo lafteedu ku doodi karta, haddii ay xikmad la timaado, in ifafaalahani kaba mid yahay sababta ay u tahay in cunaqabataynta hubka ugu yaraan qayb ahaan laga qaado Ciidanka DF Somalia, si ay u hantaan ammaanka dalka.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media