Kooxda Chelsea oo markale geleysa suuqa Jannaayo & Arrin ay iska jirto (Laacibiinta ay dirayso)

0

(London) 28 Nof 2023 – Kooxda Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay qorshaynayso siyaasad ay ku gelayso suuqa kala iibsiga oo ku dhisan hal keen halna dir marka uu furmo suuqa kala iibsiga ah bisha Janaayo si ay uga fogaato inay ku dhacdo khaladkii keenay inuu xilkiisa waayo Graham Potter.

Bilowgii sanadkan 2023, markii uu Potter maamulayey, Chelsea waxay samaysay lix saxiix intii lagu jirey daaqadda jiilaalka, kuwaasoo dhamaantood si toos ah u galay kooxda safka koowaad.

Kaliya Jorginho, oo aadey Arsenal, ayaa se ka tegey kooxda koowaad waxayna taasi keentay in koox barar dhib ku noqotay in Potter uu maamulo, iyadoo ciyaartooy magac wayn leh ay si joogto ah uga maqnaayeen kooxda maalinta ciyaarta.

Waxaana xitaa la sheegay in ciyaartooydu ay ku lebisan jireen waddooyinka koridoorrada ah ee xerada tababarka maaddaama qolalka lebiska ay ahaayeen kuwo aad u yar yar.

Si kastaba ha ahaatee, si ay taas u xalliyaan waxay u baahan doonaan inay u fasaxaan ciyaartooyda aan ka midka ahayn qorshaha mustaqbalka ee macallinka Pochettino.

Waxaa ragga la dirayo lagu sheegay daafacyada dhexe ee Malang Sarr iyo Trevoh Chalobah ayaa labadoodaba lagu soo warramayo inay iib yihiin, sidoo kale Ian Maatsen, daafaca bidix kaasoo diidey inuu u wareego kooxda dhowaan soo dallacday ee Burnley xagaagii.

Hadalsame Media