Dadka horay ugu jirey EAC oo isku raacay 2 arrimood oo ay sheegeen inay Somalia usoo kordhinayso & Mid ay ka welwelsan yihiin

0

(Hadalsame) 28 Nof 2023 – Dalka Soomaaliya ayaa 24-kii bishan si rasmi ah uga mid noqotey Ururka Bulshada Bariga Afrika, iyada oo hadda laga bilaabo oo fududaanayo isku-socodka, isdhexgalka iyo ganacsiga Bariga Afrika.

Soomaaliya waxay ku biirtay dalalkii horay ugasii tirsanaa EAC; Burundi, DR Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania.

Haddaba, markii uu faafay khabarka ku saabsan inay Somali noqotay dalkii 8-aad ee ku biiray ururka EAC, waxaaba si aad ah uga fal-celiyey dadyowga horay ugu midaysnaa Bulshadan ugu wayn gobolka Bariga Afrika.

Hadalsame Media oo isha la raacayey faallooyinka ay dadwaynaha ururkani ka dhiibanayeen wararka arrintan ku saabsan ayaa waxa uu calaameeyey 3 arrimood oo ay 2 is barkan tahay oo ay midna aad usoo dhoweeyeen midna ay walaac xoogaa ka muujiyeen. Waxayna kala yihiin:

1 – Marka aad eegto faallooyinka dadka, waxay aad ugu faraxsan yihiin oo ay u arkaan inay Somalia ururka kusoo kordhinayso waxa ay kala yihiin; a) In Somalia ay leedahay xeebta ugu dheer gobolka, tiiyoo ay ururka EAC ay leeyihiin xeebo kooban ama qaarkoodba ay bad-xiran u badan yihiin.

b) In Somalia ay leedahay shacab ku wanaagsan hal-abuurka ganacsiga, waloow nalaku dhaliilo in Soomaalidu aysan u badnayn ganacsiga xajmiga wayn (high scale trade).

2 – Waxay walaac ka muujiyeen wadciga ammaan ee dalka Somalia taasoo tusaale ahaan adkaynaysa in lala ganacsado ama la maalgashado dalka iyo b) Somalia oo aan lahayn kaabayaal horumarsan iyo wax soo saar micne leh oo ay markiiba iib gayso.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media