Mike Maignan oo ku ciyaaray jirro aysan dadku ogayn kulankii uu wacdaraha ka dhigay ee vs Viola (Daawo)

0

(Milano) 27 Nof 2023 – Kooxda AC Milan ayaa Sabtigii 1-0 uga badisay kooxda Viola si ay jidkii guulaha ugusoo laabato kaddib muddo aysan badin horyaalka Serie A, balse waxaa jirey laacib guushaasi gacan wayn ku lahaa waana goolwalaha kooxda.

Ciyaartii habeennimadii Sabtiga ay la ciyaareen Fiorentina, qabtaha Mike Maignan run ahaantii waxa haysey qandho 40 darajo ah oo u dhiganta 101.3° F, taasoo sidoo kale sharxi karta inuu mar u muuqdey mid sii dhacayey bartamihii qaybtii dambe, taasoo walaac ku abuurtay dhammaan taageerayaasha Milan oo aan qandhada ogayn balse dhaawac moodayey, markii uu dhulka yaalley muddo ku dhow hal daqiiqo.

Bandhiggiisa ayaan is dhimin waxaana u daliil ahaa kubaddii uu wejiga uga badbaadiyey Mandragora daqiiqaddii ugu dambaysey, taasoo kooxda AC Milan ee Stefano Pioli gayaysiisey inay ka badiso wiilasha Vincenzo Italiano ee Fiorentina si ay guriga ugu qaataan seddex dhibcood oo qiimo badan.

Qandhada sare ee uu ku ciyaaray goolhayaha Faransiiska ah waxaa xaqiijiyey laacibka Yacine Adli. Sida ku cad qoraalkii ugu dambeeyey ee baraha bulshada uu Mike Maignan kusoo qoray boggiisa Instagram-ka, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Franco-Algerian-ka ah ayaa faallo gaar ah ku qishay xaaladda hargabka ee goolhayaha:

“40 darajo oo qandho ah, isaga oo aan waxba cunin.” ayuu kusoo jawaabey, waloow ay adag tahay in lagu ciyaaro 40 darajo oo qandho ah, misna waxaa laga qaadan karaa inuu qandhaysnaa.

Hadalsame Media