Maxaa loola dan leeyahay rinjiga cas ee ay dhabanka marsadeen ciyaartooyda Serie A (Arrin naxdin leh oo dhacday & Jarmanka oo….)

0

(Roma) 27 Nof 2023 – Ciyaartooyda Serie A ayaa lagu arkayey calaamad cas oo dhabannada kaga taal dhamaadkii usbuucan iyadoo ciyaartooyda, macallimiinta iyo garsoorayaashuna ay qayb ka ahaayeen.

Haddaba waa maxay? Dadka ayaa bilaabay inay is waydiiyaan waxa loola jeedey arrintan: Tillaabadan ayaa looga gol leeyahay in dadka lagu baraarujiyo joojinta tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.

Calaamaddan – oo loo asteeyey inay u taagnaato sida rooseetada dumarka – waa qayb ka mid ah olole loogu magac daray ”kaarka cas u taag rabshadaha ka dhanka ah haweenka”, xilli uu Talyaanigu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka xadgudubyada ka Dhanka ah Daweenka.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadaysa xilli dalkaasi oo dhan ay ka jirto caro xoogan kaddib markii nin Talyaani ah oo lagu eedeeyay inuu diley saaxiibtiisii hore lagasoo musaafuriyay dalka Jarmanka oo u gacangeliyey maamulka Talyaaniga.

Dhacdadan ayaa horseedday mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan dalka Talyaaniga, iyadoo mudaaharaadyada ugu wayn lagu arkayey magaalada caasimadda ah ee Roma, waxaana maalmaha soo socda magaalooyinka kale laga filayaa inay ka dhacaan dibadbaxyo kale.

Hadalsame Media