Messi oo la sheegay inuu xaaskiisa ku khiyaanay gabar kale & Magaceeda oo la sheegay

0

(Hadalsame) 26 Nof 2023 – Xaaska Cesc Fabregas ee Daniella Semaan ayaa si adag u beenisey warbixin kasoo baxday dhanka Brazil oo lagu eedeeyey Lionel Messi uu khiyaameeyey Antonela Roccuzzo.

Wargayska reer Brazil ee Direto Do Miolo ayaa dhigay barta X Jimcihii in Messi iyo Roccuzzo xiriirkooda 15 sano jirka ihi uu wajahayo ‘xasaraddii ugu waynayd’ tan iyo markii la yagleelay.

Waxay ku eedeeyeen xiddiga Inter Miami inuu xiriir qarsoodi ahaa la sameeyey weriyaha reer Argentine ee Sofia Martinez, guurkiisuna uu sidaa darteed qarka u saaran yahay inuu burburo.

Si kastaba ha ahaatee, tweet-ka ayaa soo xigtey ilo dalka Spain ah oo u muuqda kuwo aan jirin. Intaa waxaa dheer in Semaan, oo si joogto ah fasax ula qaadata Messi iyo Roccuzzo si gaar ahna ugu dhow lammaanahan, ay ku adkaysanayso inay qoreen mala-awaal aan sax ahayn.

Iyadoo ku jawaabaysa qoraal ay soo dhigtay Instagram-ka, waxay tiri: ‘Waxa la daabacay waa wax aan macno lahayn .. oo aan wax sax ah xambaarsanayn.’

Messi iyo Roccuzzo waxa ay is yaqaanneen ilaa shan jirkoodii. Waxay is guursadeen 2017-kii waxayna dhaleen saddex wiil: Thiago, Mateo iyo Ciro.

Replying to a post on Instagram, she said: 'What publication is this that has no meaning.. and has nothing right.'

Hadalsame Media