Ronaldo oo dhaliyey gool ay aad u hadal hayso dunida kubadda cagtu (Daawo)

0

(Riyaad) 25 Nof 2023 – Jookar Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey gool qurux badan oo 40-yaardi ah iyadoo uu labada goolba uu dhaliyey xiddigga reer Portugal oo ka caawiyey Al-Nassr inay 3-0 ku garaacdo kooxda Al-Akhdoud.

Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kooxaha kaddib waajibaadkii xulkiisa Portugal isagoo yeeshay saamayn ballaaran oo guul ku hoggaamiyey kooxdiisa.

Gool uu dhaliyey Sami Al-Naaji ayaa Al-Nassr hoggaanka u dhiibey daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta horyaalka Sucuudiga ee Saudi Pro League.

Al-Nassr ayaa ku khasbanaatay inay sugto ilaa daqiiqaddii 77-aad si ay ciyaarta uga dhigto 2-0, Ronaldo ayaana si cajiib ah kubbada u koontaroolay kahor inta uusan kubadda ka dhalin xagal dhib badan.

Goolka labaad ee Ronaldo iyo goolkii saddexaad ee Al-Nassr ayaase ahaa midka cinwaannada abuuray ee kasii yaabka badan kiisii hore isagoo ka faa’iidaysanayey goolhayaha Al-Akhdoud ee Paulo Vitor oo kasoo baxay khadka, waxaana uu meel fog ka soo toogtey gool qurux badan.

Hadalsame Media