5 qodob oo muujinaya in guul laga rajayn karo xulka 18-jirrada oo maanta ciyaaraha kulanka 1-aad ee Bariga & Bartamaha Afrika

0

(Hadalsame) 25 Nof 2023 – Waxaa jira qodobo muujinaya in xulka 18-jirrada Soomaaliya ay guulo kasoo hooyn karaan tartanka Bariga iyo Bartamaga Africa.

1 – Qaranka Soomaaliya ee 18 jirrada ayaa ku jira Group A waxaana uu la ciyaari doona Kenya, Rwanda iyo Sudan waa guruub nisbi ahaan jilcan waayo kuma jiraan 2 waddan ee ugu banooniga badan Geeska Africa sida Tanzania iyo Uganda.

2 – Macallinka hoggaaminaya qaranka Soomaaliya Waa Jabshe Axmed oo ah nin ku sifaysan ciyaar qurxoon, cadaalad, aqoon iyo garasho ciyaareedba, waxaana ka filaynaa inuusan qofna ka yeeli doonin hebel ii ciyaarsii kooxdayda ama qabiilkayga ayuu ka tirsan yahay IWM.

3 – Waa qarankii ugu xulashada fiicnaa beryahan, waayo waxaa lasoo xulay dhammaan laacibiin hibo leh oo ka ciyaara dal iyo dibadba.

4 – Ma jirto tiknolojiyadda lagu go’aamiyo da’da ciyaartooyda oo lagu samayn doono xulalka ka qabgeli doona tartankan dhinaca da’da sidaas awgeed waxaad daawan dooontaa 30 jirro ku ciyaaraya magaca 18 jir, ciyaaryahanka ugu wayn ee ka qaybgeli doona tartanka waxa uu noqon doona kabtanka kooxda Kataka Stephen Namaisi kaasoo matali doona dalka Uganda.

5 – Wefdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Cumar Mugaabe oo ay wada dhasheen Allaha u naxaristo e Guddoomiyihii ugu wanagsanaa abid ee soo maray kubadda Cagta Soomaaliya ee Saciid mugaabe, Cumar waa nin daacad ah oo af gaaban islamarkaana aan ogolayn in qof lagu xadgudbo ama xaquuqdiisa la duudsiiyo.

Soomaaliyeey u diyaar garooba farxad iyo guul aan ku iloowi doonno maamul xumada haysata qaranka Waawayn.

W; Q: Maxamed Cabdi Muudey

FG: Qoraal waliba wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media