Waxyaabo dabiici ah oo ilkaha nadiifiya, caddeeya, quruxdoodana siyaadiya (Afartan ku dadaal)

0

(Hadalsame) 21 Nof 2023 – Waxyaabo kala duwan ayaa keeni kara midabka ilkaha oo isbeddela, sababaha ugu caansan waxaa ka mid ah nadaafad darrada afka, cabitaannada qaarkood sida shaaha, kafeega iyo soodhada, sigaar nuugista iyo dawooyinka qaarkood.

Hadaba haddii aad raadinayso waxyaabo fudud oo dabiici ah oo aad ku caddeyn karto ilkahaaga, waxa uu Daryeel Magazine halkaan kugula waadayaa habab adiga oo gurigaaga jooga aad uga takhalusi karto cillada ilkaha oo midadkooda oo isbedella.

Cadayso ugu yaraan 2 goor maalintii

Ilkaha oo aad cadaysato subaxdii iyo ka hor intaadan seexan habeenkii waxa ay ka ilaalisaa in in midabka ilkaha uu isbedelo. Cadayga joogtada ah waxa uu kaxeeya wasakhda ilkaha waxaana uu ka hortagaa kobaca huurada, sidaas awgeed, waxa uu hagaajiyaa caafimaadka afka.

Calali cunnooyinka ganka leh

Calaalinta cunnooyinka ganka leh oo ay ku jiraan khudraha kaabajka iyo baamiyaha iyo furuutka sida liin dhanaanta waxa ay si dabiici ah u siyaadisaa dhalaalka ilkaha. Cunnooyinka waxa ay qaadaan wasakhda fuusha ilkaha. Sida oo kale, calaalinta cunnooyinkan waxa ay badisaa calyada, taas oo muhiim u ah xifdinta caafimaadka afka. Calyadu waxay kaloo dejisaa aashitada afka taas oo ka qayb qaadanaysa caafimaad qabka afka.

Ku dedaal cunista furuutka

Furuutka sida weyn ula dagaallama wasakhda ilkaha fuusha waxaa ka mid ah cananaaska, babaayga iyo miraha farawlaha ( strawberries). Furuutkan waxaa ku jira dheecaan burburiyeyaal mila ama dhalaaliya wasakhda ilkaha ku samaysmata ee midabkooda bedesha. Tani waxa ay ilkaha ka dhigaysaa kuwo nadiif ah oo dhalaalaya.

Samee oil pulling

Sida aad uga takhalusto bakteeriyada iyo wasakhda, ku luqluqo saliid qumbe ama saliid macsaro adiga afka ku haynaya muddo 15 illaa 20 daqiiqo ah. Saliida oo lagu luqluqdo waxa ay caddaysaa ilkaha, waxayna nadiifisaa afka.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media