Sida ma yeeli lahayd haddii aad maaro isaga wayso isticmaalka baraha bulshada?!!

0

(Hadalsame) 21 Nof 2023 – Boqollaal qoys ayaa dacwad ku soo oogaya qaar ka mid ah shirkadaha teknoolojiyadda adduunka ugu waaweyn, kuwaas oo ay ku eedeyeen inay farsameeyeen aalado waxyeello u gaysta garaadka carruurta.

Dacwadaan ayaa shirkadaha teknoolojiyadda ee lagu soo oogay waxaa ka mid ah shirkada Meta ee horey loo oran jiray Facebook,Instagram ,TikTok, Google iyo Snapchat kuwaas oo dhamaan eedahan si isku mid ah loogu jeediyay .

qoysaska ayaa rumeysan in shirkadahu ay si ku talagal ah ugu daraan applicationadooda, aalado khatar ah, oo hadii caruurto ay joogteeyn dhibaato u keeni karta .

Qareenada qoysaska ayaa sheegay in kiiska gabar 14 jir ah oo Ingiriis ah laguna magacaabo Molly Russell oo sanadkii 2017 isku dishay Magalada London uu tusaale muhiim ah oo ka mid ah dhibaatooyinka suurtagalka ah alaadaha shirkadaha ay kala kulmaan dhalinyarada uu yahay.

Shirkadaha ayaa isku dayay in ay joojiyaan kiiska balse Garsoore heer federaal ayaa Toddobaadkii hore, sheegay in shirkaduhu aysan isticmaali karin wax ka beddelka koobaad ee dastuurka Mareykanka, kaasoo ilaalinaya xorriyadda hadalka, si ay u joojiyaan tallaabada.

Taylor Little oo ah gabar 21 sano jir kana mid ah dadka si saa’idka u istcmaal barah bulshada ayaa sheegtay in saameeyn weyn oo dhanka maskaxda ay shirkadahu u gaysteen.

“Runtii waxaa uu ii noqday balwad aniga oo 12 jir ah ayaan bilabay iscitmalka taleefoonka iyo baraha bulshada, Noloshayda wax weyn oo saameeyn ah ayuu u gaystay waqtigaygii dhalinyaranimada” ayay tir.

Taylor ayaa xustay in Teleefonada casriga iyo baraha bulshada ay saameeyn habk nolashada dhalinyarada,ayna dareemaan cidlo iyo welwel marka ay wayaan baraha bulshada.

Shirkadaha ayaa dhankooda sheegaya in eedaymaha loo jeediyay aysan run ahayn, doonayaana inay si adag isu difaacaan.

Meta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay tixgalinayso cabashada qoyesaska, balse aysan jirin wax dhibaato ku ah carrurta,dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada oo shirkadu ay soo saartay.

“Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino waalid kasta in ay naga go,antahay in aan ilaalino badqabka caruurta iyo caafimadka bulshada, siinana dhalinyarada khibrado badbaado leh oo ka taageeraya dhanka interbaka” ayaa lagu yir war qoraal ah oo shirkada Facebooke ay soo saartay.

gabar nijiyad jab isku dishay
gabar nijiyad jab isku dishay

Shirkada Google ayaa dhankeeda sheegtay in eedaymaha iyo cabashooyinka ka dhanka ah aysan ahyen kuwo run ah”Ilaalinta carruurta ee guud ahaan aaladaha ayaa had iyo jeer udub dhexaad u ah shaqdeena.” Ayaa lagu yir qoraal kasoo baxay Google .

Sidoo kale Snapchat ayaa sheegtay in dib u hubinayso alaadaha ay farsameeyso ka hor inta aysan jawaab ka bixin oo xariir la sameyna qoyesaska dacwada kusoo oogay, balse waxaa diiday in eedaymaha ay ka hadasho shirkada Tiktok eel aga leehaya dalka Shiinaha .

Isticmaalka badan ee baraha bulshada wuxuu dhaawac u geysanayaa maskaxda dhalinyarada, sida lagu ogaaday daraasad cusub oo hore loo saaray.

Cilmi baadhis ay sameysay hayadda waxbarashada iyo fayo-dhowrka ayaa diiradda lagu saaray barbaarta dhigata iskuullada hoose dhexe.

Wiilashada iyo gabdhahaba waxyeello caafimaad way kasoo gaartaa marka ay da’dooda tahay 14 sano, laakiin gabdhaha ayaa markaas kaddib ay shaqada maskaxdooda hoos u sii dhacdaa, sida ay daraasaddu ogaatay.

Dhalinyarada iyo guud ahan Bulshada Soomaliyeed ayaa ka mid ah dadka si xad-dhaafka ah u isticmaal baraha bulshada kuwaas oo sameeyn ay ku yeelato habka noolashooda.

BBC

Hadalsame Media