Lix arrimood oo laga calaameeyey xiddigaha Xulka Somalia oo markii 2-aad la legdey

0

(Berkaan) 21 Nof 2023 – Waxaa galabta markii 2-aad laga badiyey ciyaartooyda Xulka Qaranka Somalia oo ay Uganda gool madi ahaa ku martay, tiiyoo markale gool deg deg ah lagula asbaxay. Waxaana markan roose ka qaatay laacib ka tirsan, taasoo ka dhigan inay 10 laacib ku ciyaarayeen.

Aragtidayda kulankii Uganda:

  • Ciyaarta ayaa la moodaa sidii kulankii Algeria dhacdayba in ay ka bilaabatay 1-0 lagu leeyahay xulkeena, micnaha ciyaar kasta daqiiqadaha ugu horeeyo ayaa gool nagala dhaliyaa, taas oo qalbi jab ku ah ciyaartoyda iyo anagaba.

  • Kaar casaan oo fudud ayaan qaadanay, weliba mid aan munaasib ahayn iyo qaab aan munaasib ahayn, taas ayaana dishay rajo kasta oo aan ka yeelan karnay soo laabashada ciyaarta.

  • Goolhaye mustaf wuxuu markale muujiyay qaan gaarnimadiisa iyo waayo aragnimadiisa, wuxuuna bad baadiyay fursad fool ka fool ah oo gool loo filan karay misane dili kartay ciyaarta xilli hore.

  • Si guud xulka waxay muujiyeen dadaal dheeri ah iyagoo qaybtii dambe ku ciyaarayay 10 ciyaartoy weliba gool lagu sii leeyahay, taas ayaana muujineysa korriimada xul ahaaneed ee aan samaynayno.

  • Habka xulista ciyaartoyda oo dul duleelo badani ka jireen, waxaan qaab loo fasiro jiri karin sababta looga soo tagay Abel Gegli oo aan wada ognahay qofka uu yahay iyo sida aan uga liidano dhanka difaaca (walow daafaceena ay dadaal badan muujinayaan).
  • Haddii inta aan heysano lasii qurxiyo oo meelaha naga dhiman la dhammaystiro, loo helo maamul iyo macallimiin ku habboon, waxaan rajaynayaa in xulkeena uu meel fiican imaan doono, aan guran doono miraha aan hadda beeranoono.

W; Q: Ibraahim Xasan Ibro

Hadalsame Media