(Hadalsame) 21 Nof 2023 – Pentagon-ka ayaa u gooya cunaqabataynta ay Washington kusoo rogtey Ruushka iyaga oo weli sii wada iibsiga waxyaabaha batroolka laga sameeyo, kaasoo ay u maraan dariiq wareeg ah oo uu sallaxay saanad-qaybiye millateri oo Maraykan ah, sida ay baaritaan shaaca kaga qaadday Washington Post.
Waxyaabaha batroolka Ruushka laga sameeyay ayaa ku sii qulqulaya xarunta sifeynta ee Motor Oil Hellas ee Badda Aegean ee Giriigga. Shidaalkan muhiika ah ayaa lagasoo diraa dekedaha Ruushka ee dhaca Badda Madow iyadoo lasii marinayo xarun lagu kaydiyo saliidda oo ku taal Turkiga, sida ay sheegtay WaPo, iyadoo soo xiganaysa xog laga helay la socodka maraakiibta (ship-tracking data).
Waddadan ayaa lagu soo warramayaa inay gacan ka gaysato in la qariyo asalka Ruushka ah ee shidaalkan, maadaama ay “gacmo badan geleyso dhowr jeer” si saan tirasho ah, kahor inta aysan gaarin Giriigga.”
Qorshe ahaan, xarunta sifaynta Motor Oil Hellas waxay shidaalka kasoo qaadatay dekedda Dortyol ee Turkiga, sidaas oo meesha looga saaray isha Ruushka ah.
Yeelkeede, diiwaanka la socodka maraakiibta iyo xogta ganacsiga ayaa shaaca ka qaadaysa in tan iyo markii Midowga Yurub iyo G7 ay cunaqabataynta saareen shidaalka Ruushka oo dhaqangalay bishii Febraayo ee lasoo dhaafay, shidaalka Ruushka ee Dortyol ayaa dhamaa 2.7 milyan oo fuusto, oo u dhiganta in ka badan 69% shidaalka meeshaa taga ee ku yimaada badda.
“Ma arko wax kale marka laga reebo in shidaalka Ruushku uu tago Motor Oil Hellas.” ayuu yiri Robert Auers, oo ah falanqeeye suuq-gaynta shidaalka oo ka tirsan shirkadda cilmi-baarista ee RBN Energy, kaasoo xaqiijiyey baarista warqaadka Maraykanka ah ee WaPo.
Hadalsame Media