Saxaafadda oo hadda kashiftay nin Soomaali ah oo ay UK si qarsoodi ah qaab MUSAAFURIS ah Muqdisho uga dejisey (Muxuu yahay?)

0

(London) 19 Nof 2023 – Warqaadka The Mail on Sunday ayaa waxa uu hadda daaha ka qaaday arrin si hoose u dhacday bishii Agoosto ee sanadkan, balse ku saabsan wiil Soomaali ah oo lagu helay inuu kufsi ka gaystey dalka UK.

Ninkan oo la yiraahdo Yacquub Axmed oo iminka 34-jir ah ayaa xabsi ku jirey kaddib markii isaga iyo rag kale loo qabtay inay kufsi wadareed u gaysteen gabar 16-jir ahayd, waxaana uu ku badbaadey inuu qaaquullo ka kiciyey diyaaraddii dib ugu celin lahayd Muqdisho 5 sano kahor isagoo xilligaa 29-jir ahaa.

Rakaabkii diyaaraddii Muqdisho ka dejin lahayd ayaa sabao aadminnimo ugu gurmadey oo diidey in la musaafuriyo qof sheegaya in la dilayo haddii uu Muqdisho ka dego, balse may ogayn waxa loo haystey iyo kiiskiisa.

Axmed waxa uu dagaalkisa masaafurintu jiitamayey ilaa 2008 oo la xirey wuxuuna u baahday ugu yaraan 24 dhageysi maxkamadeed oo kala duwan, oo uu ku hor-yimid ilaa 20 ama in ka badan oo garsoorayaal ah, maadaama uu sameeyey sheegashooyin isdaba joog ah oo been abuur ah, sida inay ISIS dilayaan IWM.

Wargayska arrimaha facsharka ah qora ee DM ayaa waxa uu haatan daah-rogey in Axmed ugu dambayn si juuq la’aan ah dib loogu diray Muqdisho kaddib markii ay ku baxday £1 milyan oo gini oo iskugu jirta kharashaad sharci, xabsi iyo masaafurin, iyo xitaa lacagta uu ku seexday Peace Hotel oo Xamar ku yaalla oo loo bukimay 14 maalmood.

Axmed ayay Ingiriisku qaabileen 2003-dii isagoo xilligaa Somalia ka yimid. Da’diisu waxay ahayd 14-jir. Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media