Dal ka tirsan Midowga Yurub oo Ruushka ku eedeeyey inuu kusoo fasaxo dad ay Soomaaliyi ku jirto

0

(Taipei) 18 Nof 2023 – Dal ka tirsan Midowga Yurub ayaa dalka Ruushka ku eedeeyey inuu si ula kac ugu soo fasaxayo dadka tahriibka ah ee ay Soomaalidu ka midka tahay ee xuduudaha ka gudba.

Finland ayaa xirtay afar ka mid ah xuduudaha ay la wadaagto Ruushka si ay isugu daydo in ay hakiso qulqulka magangalyo doonka ee ay sheegtay in Moscow ay soo jiheysay.

In kabadan 30 sano ayey Soomaalidu isticmaali jireen xuduudahan ay Finland xirtay ee loogasoo gudbo dhinaca Ruushka.

Helsinki waxa ay deriskeeda ku eedaysay in ay tahriibayaasha soo marineyso kannaalo ay kasoo galaan dalkeeda iyada oo kaga gol leh arrimo siyaasadeed.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Finland ay samaynayso “khalad weyn” ayna burburinayso xiriirka labada dal.

Ku dhawaad 300 oo magangalyo doon ah ayaa todobaadkan gaaray Finland, sida ay sheegeen ilaalada xuduudaha ee dalkaasi.

Ilaalada xudduudaha ee Finland ayaa sheegay in lagasoo bilaabo saqda dhexe ee jimcaha la saarin xannibaado soohdinta Vaalimaa, Nuijamaa, Imatra iyo Niirala ee koonfur-bari ee Finland.

Soohdimahan ayaa lagu arkay muhaajiriin doonaya in ay sharci darro ku galaan dalkaas, iyagoo ay u badanyihiin muhaajiriin ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Suuriya, Yemen iyo Ciraaq.

Mr Peskov ayaa yiri: “kaliya waa la qeexi karaa in mas’uuliyiinta Finland ay qaadeen dariiqa burburinta xiriirka laba geesoodka ah,” wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa sheegtay.

“Ruushka taariikhda casriga ah waligiis uma hanjabin Finland, mana jirin wax sabab ah oo iska hor imaad dhalin karay. Hadda waxa ay doorteen waddadan. “Marka loo eego aragtidayada, tani waa qalad weyn” ayuu sii raaciyay.

Saameyn maku yeelanayaa Soomaalida?

Wariye Weli Xaashi
Wariye Weli Xaashi

Wali Xaashi oo ah wariye katirsan telefishinka qaranka ee dowladda Finland, ayaa BBC-da uga warbxiyay saameynta Soomaalida ay ku yeelan karto go’aankan.

“Xuduudahan ay xirtay dowladda Finland ee dhinaca Ruushka, waa kuwo waligood la,isticmaali jiray, xitaa aniga ayaa soo maray 30, sano kahor, inkastoo markii ugu dambeysay aysan Soomaalidu ku badneyn haddana waxa ay u ahaayeen muhiim oo dad badan ayaa kasoo galay dalkan”.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu tilmaamay sababta ugu weyn ee keentay arrintan ay dhacdo.

“Finland waxa ay aad u diiddaneyd weerarka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, Ruushkuna waa uu ka carooday arrintaas, kadibna Ruushka ayaa bilaabay arrimo siyaasadesan oo muhaajiriinta ay ugusoo fasaxeen xudduudaha lagasoo galo Finland” ayuu yiri wariye Wali Xaashi.

Dhinaca kale waxaa jira qaxooti badan oo Carab ah isla markana kasoo safray dalalkooda oo ay colaado kajiraan, waxa ay ahaayeen muhaajiriinta ugu badan oo maalmihii lasoo dhaafay galay Finland iyagoo kasoo galaya dhinaca Ruushka.

Weli oo ka hadlaya ayaa yiri, “Marka lagasoo tago Soomaalida, waxaa jira qaxooti badan oo kasoo cararay dalalkooda oo dhibaatooyin ay ka jiraan, hadda waxaa fursad u noqotay arimahan siyaasadeed ee dillaacay sidaasina waxa ay kusoo galeen Finland iyagoo soo dhaafay xadkan Ruushka”.

Majirto rajo badan oo muujineysa in lafuro xudduudahan sida uu qabo wariye Weli.

“Hadda ma muuqato sabab ay Finland uga laaban karto go’aanka ay ku xirtay xadkan Ruushka, hase yeeshee waxaa jiri karta in loo maro sababo bini-adannimo, balse ma aha wax hadda muuqda”

BBC
Qoraalka sawirka,BBC

Ra’iisul wasaaraha Finland Petteri Orpo ayaa ku eedeeyay Ruushka inay si ula kac ah u caawiyaan dadka aan haysan dukumeentiyada saxda ah si ay usoo gaaraan xadka labada dal.

Iyadoo la xaqiijinayo xiritaanka afarta xudduudood, kuwa Salla iyo Vartius ee waqooyiga fog ee Finland waxay sii ahaanayaan kuwo u furan codsiyada magangalyada, ayuu yiri Mr Orpo.

Boqol qof oo magangalyo doon ah ayaa Jimcihii gaaray Finland, sida ay sheegeen ilaalada xuduudaha.

Maamulka Finland ayaa sheegay in dadka imaanaya dalkooda ay si sharci ah ku yimaadaan Ruushka ka hor inta aysan u safrin xadka si ay uga sii gudbaan Finland – dal xubin ka ah Midowga Yurub – oo ay dalbadaan magangalyo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta Ruushka inay injineero ka yihiin isgoysyada.

“Way caddahay in dadkan la caawiyo, sidoo kalena ay u daabulaan xadka,” ayuu yiri Mr Orpo Talaadadii.

Sannadkii 2021-kii, kumannaan muhaajiriin ah ayaa u duulay dalka Ruushka oo ay xulafo yihiin Belarus ka hor intaysan u gudbin dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ee Poland iyo Lithuania. Waqtigaas, Midowga Yurub wuxuu ku eedeeyay hogaamiyaha Belarusia Alexander Lukashenko inuu doonayay inuu khalkhal geliyo ururka isagoo fududeynaya in muwaadiniinta waddan saddexaad ah ay ku biiraan 27-ka xubnood ee ururka.

Finland waxay xuduud dhan 1,340km la wadaagtaa Ruushka, waana xuduudda ugu dheer Yurub.

BBC

Hadalsame Media