Shirkadda HASS oo qaadday tillaabo muran dhalisay & Shirkado kale oo arrintaa ku dhaqma (Doorka DF?)

0

(Hadalsame) O9 Nof 2023 – Shirkadda shidaalka ka ganacsata ee HASS Petroleum ayaa dhaliil badan ka wajahaysa baraha bulshada kaddib markii ay soo bandhigtay kharadiidado muujinaya dalalka ay ka howlgasho.

Qoraalka oo muujinaya khariidadda bariga iyo bartamaha Afrika dalal dhaca ayaa waxaa lagu qoray kabshan gaaban oo u dhigan ”Waxaan joognaa Malawi: Soo dhowoow Hass.”

Yeelkeede, dadwaynaha baraha bulshada ayaa markiiba isha la helay khariidadda Somalia oo ay Hass ku muujisay laba dal oo ay u kala sawirtay Somalia iyo Somaliland, waxaana deeto bartii ka qaraxday dood kulul.

Dad badan oo ka fal-celinayey ayaa shirkadda ku dhaliilay inay ciyaartay door aysan iyadu lahayn, maadaama aanay shirkaduhu shaqo ku lahayn go’aammada dalalka lagu aqoonsanayo ama khariidadaha cusub lagu hirgelinayo.

Tusaale, Google, Youtube, Facebook iyo shirkadaha kale ee caalamiga ah ee waawayn Somalila waxay u sawiraan sida ay QM u aqoonsan tahay oo ah hal dal, iyagoo go’aanka u daynaya hay’adaha ku shaqada lihi ay go’aamiyaan.

Ha yeeshee, arrintan ayay sidoo kale ku dhaqmaan shirkado kale oo dalka Somalia ka howlgala sida xawaaladaha iyo shirkadaha duullimaadyada qaarkood, iyadoo DF Somalia aysan wax tillaabo ah ka qaadin.

May be an image of map and text that says 'HASS PETROLEM Hass Petroleum @HassPetroleum Follow And we are now in Malawi #KaribuHass We have a strong footprint in East and Central Africa SouthSudan Somaliland Uganda HRSS Kenya Democratic Republic of the congo Somalia Rwanda Tanzania Zambia HASS PETROLEUIM Servicing New Frontiers 10:12 08 Nov 23 29.2K Views'

Hadalsame Media