MW Xasan Sh oo qalliin ku galay dalka Imaaraadka & Meesha laga qalay (Shir dhacaya)

0

(Abuu Dabeey) 09 Nof 2023 – MW Xasan Sheekh ayaa beryahan ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta tiiyoo aan xog badan laga haynin waxa uu halkaa ka hayey.

Haatan ayay Wakaaladda Wararka SONNA waxay faafisay wacaal daray ah oo ku saabsan inuu halkaa ku galay qalliin garabka ah.

Lama faahfaahin waxa laga qalay, balse waxaa qoraalka lagu xusay inuu usii socdo shirka Carabta iyo Afrika ee ka dhacaya Riyaad.

Waxaa kale oo ay SONNA sheegtay inuu la kulmay madaxda Imaaraadka iyo inuu dardargelin doono weerarka jiitamaya ee ka dhanka ah kooxda AS.

 

Hadalsame Media