Meelaha uu Somalia ka saamayn karo hadalkii RW taageerada ahaa ee Xamse saamayn

0

(Muqdisho) O6 Nof 2023 – Kaddib muddo bil ah oo uu socday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil, dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay, iyada oo raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu taageero u muujiyey ururka Xamaas oo ay qaar ka mid ah dalwdaha Reer-galbeedku u aqoonsan yihiin argagixiso.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa Talaadadii ka hadlay qadiyaddan isaga oo khudbad ka hor jeedinyay culumo, wuxuuna yiri hadal caalamka ku baahay oo ahaa in aysan Xamaas marnaba argagixiso u aqoonsanayn ”xitaa hadii kurka nalaga jarayo”.

Hase yeeshee tani waxay dhalisay laba hadal hayn; midi waxay ahayd hadalka laftiisa oo ku baahay warbaahinta caalamka kadibna baraha bulshada isaga oo lagu turjumay luuqado badan, halka hadal haynta kale ay ahayd walaac ay dadka qaar ka qabaan sida uu diblomaasiyad ahaan u saamayn karo Soomaaliya oo ku tiirsan deeqaha dalalka shisheeye.

Marka hore aan fahanno taageero intee dhan ayey Soomaaliya ka heshaa dalalka galbeedka, sideebuuna hadalka raysal wasaaruhu u saamayn karaa taageeradaas?

Taageerada Soomaaliya ay ka hesho dalalka Reer-galbeedka

Xasan Shekh

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Waxaan ognahay in dhaqaalaha Soomaaliya uu inta badan ku tiirsan yahay taageerada ay siiyaan dalalka shisheeye iyo ururrada caalamiga ah.

“Waxay kabaan dalalkani misaaaniyadda dawladda Soomaaliya, waxay bixiyaan mushaharka shaqaalaha dawladda iyo sidoo kale kaalmooyin kale oo badan sida hormarinta iyo kaalmada bini’aadannimo ee la siiyo dadka gudaha ku barakacay,” ayuu yiri mas’uul hore oo dowladda Soomaaliya ka tirsanaa, codsadayna in magaciisa la shaacin.

Soomaaliya waxaa sidoo kale laga taageeraa dhanka la dagaallanka al-Shabaab, iyada oo Maraykanka iyo Turkigu ay yihiin dalalka siiya taageerada ugu weyn ee dhanka amniga.

Miisaaniyadda Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka 2023/2024 waxay ahayd $950 milyan oo doollar. Qiyaastii $283 milyan oo kaliya ayaa kasoo gashay canshuurta iyo dakhliga kale ee ay dawladdu qaadday, sida uu mas’uulkan sheegay.

Beesha caalamka oo ay ugu weyn yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo hay’adaha sida Bangiga Aduunka oo lagu daray Turkiga, ayaa ku deeqay dhaqaale gaaraya $637 milyan oo doollar.

Haddaba marka laga hadlayo dalal Reer-galbeedka, sida Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub; waxay la baxeen qiyaastii 30% misaaniyadda dalwdda Soomaaliya oo dhan.

Siduu u saamayn karaa hadalka Raysal Wasaaruhu taageeradan?

IMF

XIGASHADA SAWIRKA, IMF

Markii uu bilowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil toddobadii bishii dhammaatay ee Oktoobar, waxaa isla markiiba caddeeyay mowqifkiisa dalka Maraykanka, oo hore u dhihi jiray, ”weerar Israa’iil lagusoo qaaday wuxuu la mid yahay mid Maraykanka lagusoo qaaday” wuxuuna sheegay inuu taageero dhinac walba ah la garqab taagan yahay Israa’iil isla markaana wuxuu soo diray taageero mila tari iyo mid dhaqaale.

Intaas waxaa xigay dalalka kale ee sida Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo iyaguna garab istaagay Israa’iil, kuna cambaareeyay ururka Xamaas inay soo qaadeen weerar argagixisanimo ah.

Dalalkan aan hadda sheegnay waa isla kuwa aan kor kuso xusnay inay bixiyaan taageerada ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho caalamka. Waxaa bulshada Soomaalida siiba kuwa siyaasadda ka dhex bilowday walaac ku aaddan saamaynta ay ku yeelan karto Soomaaliya; kala duwanaanshaha mowqifka Soomaaliya iyo dalalka ay ugu tiirsan tahay dhaqaalaha iyo weliba amniga.

Dr Axmed Zaki Faarax Iidle oo ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe oon wax ka wadiinnay wuxuu yiri: “Isaga oo muujinaya taageera buuxda iyo mowqifka dawladdiisa iyo dareenka shacabkiisa ayuu isticmaali karaa kalmadaha diblomaasiyiinta loo oggolyahay inay isticmaalaan, micnaha isaga oo aan caadifad hadlin ayey ahayd inuu si toos ah u taageero shacabka Falastiiniyiinta ah” ayuu yiri Dr Axmed.

Haddaba dhinacyada ugu muhiimsan ee ay dadka qaar ka cabsi qabaan in ay Soomaaliya ka saamayso mowqifkeedu ayaa ah, qorshihii deyn cafinta Soomaaliya oo la filayey inay bisha Diseembar ee inagusoo aaddan laga cafiyo inta ugu badan.

Ka sokow Maraykanka oo isagu deyn badan ku leh Soomaaliya waxaa jira urur la yiraah Paris Club kaas oo ay ku mideysan yihiin dalalka deynta ku leh Soomaaliya, waxaana dalalkan hoggaaminaya Faransiiska oo isaguna si buuxda u taageersan Israa’iil.

”Saamayn ballaaran oo hadda la arki karo oo ay ku yeelan karto ma leh, laakiin ururka Paris Club waxaa gadh wadeen ka ah Faransiiska oo si buuxda u taageeray Israa’iil,” ayuu yiri Dr Axmed, ”marka waxaa laga yaabaa in culayska dhanka deyn cafinta ah uu kaga yimaaddo” ayuu sii raaciyey Dr Axmed Zaki Faarax oo ka hadlayey hadii ay jirto saamayn gaar ah oo laga yaabo in hadalka raysal wasaaruhu u keeno deyn cafinta Soomaaliya.

BBC

Hadalsame Media